Juan Cuadrado oo Hishiis Cusub u Saxeexay Kooxdiisa Juventus

0
341

Kooxda Juventus ayaa shaaca ka qaaday in hishiis cusub ka saxeexdeen garabkooda reer Colombia ee Juan Cuadrado.

Laacibkaas ayaa Juve u yimid xagaagii 2015-tii xiligaas oo uu amaah ahaa balse toos ayuu ugu biiray 2017-kii xiligaas oo uu saxixay hishiis gaaraya xagaaga 2022-ka

Waxa ay Juve haatan sheegeen in sanad dheeraad ah ugu direen waxa uuna kooxda la joogayaa illaa iyo June 2023-ka.

Juan Cuadrado ayaa Juve u saftay 40 kulan xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamada , waxa uu dhaliyay 5 gool halka shan kale uu sameeyay.

Leave a Reply