Taageerayaasha Kubada Cagta oo Saadaaliyay Final-ka Champions League Xilli Ciyaareedkan

0
227

Labada Kooxood Ee Isaga Hor Iman Doona Final-ka tartanka champions League kadib markii la ogaaday kooxaha isaga hor iman doona Semi-final-ka tartanka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Real Madrid iyo Man City ayaa isaga hor iman doona Semi-final-ka tartanka champions League kadib markii ay soo kala dhaafeen kooxaha Chelsea iyo Atletico Madrid.

Dhanka kale kooxaha Liverpool iyo Villarreal ayaa isaga hor iman doona Semi-final-ka tartanka kadib markii ay dhaafeen kooxaha Bayern Munich iyo Benfica.

Kadib markii la ogaaday kooxaha isla ciyaari doona Semi-final-ka tartanka taageerayaasha kubada cagta ayaa u codeeyay labada kooxood ee isaga hor iman doona Final-ka tartanka champions League.

Kulanka Liverpool iyo Villarreal taageerayaasha ayaa saadaaliyay in 62.4% ay badin doonto kooxda Liverpool iskana xaadirin doonto final-ka tartanka champions League kadib markii ay codaynta ka qayb qaateen 21,935 qof.

Kulanka Real Madrid iyo Man City, taageerayaasha ayaa 54.2% u saadaaliyay in ay Real Madrid badin doonto iskana xaadirin doonto Final-ka tartanka kadib markii ay 38,268 ka qayb qaateen codaynta.

Leave a Reply