Qofka Soomani muxuu ku Afurayaa

0
389

Waxaa sunno ah inaad ku afurto oo aad Timir ku afurto. Timirta qofka heli kara waxa ugu wanaagsan nooc Rudub (timir busur yac yacood ah) hadii kalena timirta kale. haddii aad weydo Timirta, qofku wuxuu ku afuri karaa biyo cad, sidaas buuna yeeli jirey Nebigu s.c.w.

Anas (Alle ha ka raali ahaadee) wuxuu yidhi: (Nabigu s.c.w. wuxuu ku afuri jirey dhowr xabbo oo timir ah inta aanu salaadda maqrib u soo bixin, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey timirta, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey xoogaa biyo ah.) [Waxaa weriyey At-Titmidi iyo Abuu Daawuud]

Wuxuu sidoo kale Nabigu ku dhiiriyey asxaabtiisa inay sidaa u afuraan. Timirta guud ahaan waxaa aad looga helaa Jasiirada Carabta. biyahana sidoo kale waa wax meel walba laga helo, gunta arrintaasina waxay ahayd in aanay dadku dhib kala kulmin afuridda soonkooda oo ay ku afuraan waxyaalaha guud ee la heli karo. Dhinaca kale timirtu waxay qofka u kabtaa wixii jirkiisa ka baxay oo tamar iyo xoog ayey u kordhisaa. Biyuhana ma aha wax guud oo keliya ee la heli karo ee waa daahir wax daahiriya.

Biyuhu waxay nadiifiyaan jirka debedda iyo gudahaba. Markii uu qofka soomani ku afuro soonkiisa biyo qabow oo nadiif ah haraad maalin dhan ah, waxaa hubanti ah inuu dareemi doono farxad iyo raynrayn iyo abaal uu u hayo Alle kor ahaaye.

Sidaa oy tahay, ma aha inuu qofku naftiisa tahlukeeyo oo dhibaateeyo isaga oo taqwo u suubanaan u jeeda ee waa inuu ku afuraa waxyaalaha kale. Waxaa jira inuu ducooyin iyo lala yimaado wakhtiga afurka ama dabadii. Afurka ka dib waxad la imanaysaa ducadan: Haraadkii wuu iga tegay, xididadii way qoyeen, haddii Alle idmo-na Ajarku waa sugan yahay. (Dahabad- dama’u wabtallatil curuuqu wathabal ajru inshaa Allaah).

Ajarka weyn ee ku jira afurinta qof sooman

Inaad siiso cunto, cabbitaan uu ku afuro qof soomman waxaa ku jira ajar weyn oo waa sunno nalagu booriyay. Waxay barako u tahay qofka wax afurinaya iyo kan la afurinayaba xittaa haddii uu ku sadaqaysto afuriyaha dhowr luqmadood ama hal timir ah ama laba, Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: (Qofkii afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa oo kale, iyada oo qofkii soommanaa ajarkiisa waxba laga nusqaaminayn).

Dadka Soonka laga dhaafay

Dadka Soonka aan loo ogalayn waa laba nooc, dad wey soo qaylanayaan ama dib ayuu u soo celinayaa, qaarna waa laga dhaafay sida dadka waa weyn ama dad xannuunkooda dartii loo rusqeeyey; waana sida soo socoto

  • Inaad ku jirto safar
  • Inaad tahay bukaan
  • Inaad ilmo siddo (xaamilo tahay)
  • Inaad ilmo nuujinayso
  • Da’ iyo tabar darro daran inay hayso, taas oo heerkiisu gaadhsiisan heerka lagu rukhseeyo afurka.
  • In la hubo in xannuunku halis gelineysa naftaada.

Xaamiladda iyo nuujisadu hadday u baqaan ilmaha ay nuujinayaan ama kan caloosha ku jira way u bannaan tahay inay afuraan, wayna qallaynayaan soonkii, waxaana ugu wanaagsan inay qalleeyaan sida ugu dhaqsi badan ee ay karaan.

Qofka da’da ahi ee aan karin soonka wuxuu quudinayaa maalin walba oo sooman. waxaa isna sidaas oo kale ah qofka jirran oo qaba cudur aan laa rajo qabin ka bogashadiisa.

Xaaladda qofka loo rukhseeyey inuu soonka jebiyo

  • Qofka waa loo oggol yahay inuu soonka jebiyo haddii jirro ku soo booddo, ama shil galo iwm. oo qofka xaalladiisu halis tahay.
  • Qofka waa loo oggol yahay inuu jebiyo soonka haddii cudur kaasi aanu khatar ahayn, hase yeeshee halis noqonayo haddii aan soonka la furin.
  • Qofka waa loo oggolyahay inuu Soonka jebiyo haddii uu la kulmo gaajo, haraad daran oo ka baqo in wadiddiisa dhib ka imaanayso.

Faa’iidooyinka soonka

  • Faa’iidooyinka soonka waxaa ka mid ah qofka inuu ka barto sabar, iyo inuu taqwo ka korodhsado
  • Waxay kaga faa’iidaysan karaan walaalaheen Muslimiinta ah ee sigaarka iyo qaadka ku ibtileysan iska daynta waxyaalaha xun, ayna ogaadaan in Alle dartiis qofkii uga taga shay xaaraam ah in Alle ugu beddelo wax ka qayr badan
  • Waxaa kale oo uu leeyahay soonku faa’iidooyin bulsheed oo ah inay dareemaan midnimo iyo inay jeclaadaan caddaaladda iyo sinnaanta
  • Waxaa kale oo soonku leeyahay faa’iidoooyin caafimaad ah sida inuu daahiriyo caloosha iyo xiidmayaasha iyo jirkaba, wuxuu ka fududeeya qofka culayska cayilka, baruurta
  • Waxaa kale oo ka mid ah faa’idooyinka soonka qofka qaniga ah wuxuu ogaanayaa qaddarka Nimcada Rabbi siiyey oo aanay haysan qaar badan oo fuqaro ah.

 

Leave a Reply