Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay gobolka Sool

0
414

Laascaanood (Dawan) – Deegaano ka tirsan gobolka Sool ayuu maanta ka da’ay roob lagu diirsaday xilli ay deegaanadaas ka jirtay abaar baahsan oo taabatay nolosha dad iyo duunyo ee gobolka Sool.

Roobab xoogan oo lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Sool.

Wargayska DAWAN oo xidhiidhi la sameeyay gobolka Sool, ayay dadka deegaannadaasi u xaqiijiyeen in roobab lagu qabawsaday oo baliyada biyeeyay in ay ka da’een deegaanada hoos yimaadda gobolka Sool.

Meelaha uu roobku ku laba laxaadsaday, ayaa inta u dhaxaysa Laascaanood iyo xudun.

Dadka iyo duunyada degaanada uu roobku ka hooray, ayaa ay isla markiiba ka hadhay diiftii abaartu.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ALLE uga mahad naqay roobka maasheeyey, degaanadii abaartu ku haysay.

Leave a Reply