Waa Maxay Sababta ay Man United Illaa Haatan Rejo uga Leedahay Kaalinta 4-aad

0
245

Halyeyga Kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo yahay sababta ay Man United wali ugu jirto tartanka kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo ayaa mar kale Man United ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah kadib markii uu saddexley ka dhaliyay kooxda Norwich City kulan ka tirsanaa premier League.

United ayaa ka faa’iidaystay guuldarooyinkii Arsenal iyo Tottenham iyaga oo haatan dib ugu soo laabtay tartanka kaalinta 4-aad inkasta oo ay United dhibco badan lumisay kulamadii ugu dambeeyay.

Ian Wright oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadii uuna Ronaldo Joogin Man United, xitaa umay dhawaadeen halka ay haatan ku jiraan”.

“Ronaldo ayaa ah sababta kaliya ee ay Man United ugu jirto tartanka kaalinta 4-aad ee xilli ciyaareedkan waana xiddig cajiib ah”ayuu sii raaciyay.

Leave a Reply