Halyeyga Kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo yahay sababta ay Man United wali ugu jirto tartanka kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedkan. Cristiano Ronaldo ayaa mar kale Man United ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah kadib markii uu saddexley ka dhaliyay kooxda Norwich City kulan ka tirsanaa premier League. United ayaa ka faa’iidaystay guuldarooyinkii Arsenal iyo Tottenham iyaga oo haatan dib ugu soo laabtay tartanka kaalinta 4-aad inkasta oo ay United dhibco badan lumisay kulamadii ugu dambeeyay. Ian Wright oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadii uuna Ronaldo Joogin Man United, xitaa umay dhawaadeen halka ay haatan ku jiraan”. “Ronaldo ayaa ah sababta kaliya ee ay Man United ugu jirto tartanka kaalinta 4-aad ee xilli ciyaareedkan waana xiddig cajiib ah”ayuu sii raaciyay.

0
241

Tababaraha cusub ee la filayo in toddobaadka dambe loo magacaabo Manchester UUnited ee Erik ten Hag ayaa lagu soo warramayaa in uu Old Trafford keenayso xiddig ay kooxdu hore ugu weyday lacago badan oo ay dhawr jeer isku dayday saxeexiisa laakiin ay u suurtogeli weyday.

Erik ten Hag oo ah tababaraha Ajax ayaa la sheegay inuu waqti horeba heshiis lasii gaadhay Manchester United oo uu noqonayo tababaraha hoggaamin doona xilli ciyaareedka dambe, waxaanu saxeexi doonaa heshiis afar sannadood ah.

Waxa isaga oo aan wali soo gaadhin Old Trafford uu isha kusii hayaa xiddigaha uu keenayo kooxdiisa cusub oo inta aanu imanin ay ka tegi doonaan dersin ciyaartooyo ah oo qandaraasyadoodu ay ku egyihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ralf Rangnick oo kusii simanaya shaqada ayaa marka  uu Ten Hag yimaaddo Manchester United waxa uu kala shaqayn doonaa sidii kooxda loo dhisi lahaa, iyadoo uu khabiirka Jarmalka ee kooxda laylinayay illaa bishii November uu laba sannadood lataliye ka ahaan doono Red Devils.

Sida uu qoray wargeyska Corriere dello Sport, Erik ten Hag ayaa doonaya inuu kooxda si bilaash ah ku keeno xiddiga reer Argentina ee Paulo Dybala oo si xor ah uga tegaya Juventus oo uu iska diiday inuu u kordhiyo heshiiska.

Dybala oo sannadkii 2015kii ay Juventus ku iibsatay lacag gaadhaysa £36 milyan oo Gini ayay Manchester United hore iskugu dayday inay lasoo saxeexato iyada oo diyaar ula ahayd lacago tobannaan milyan ah, hase yeeshee Ten Hag ayaa hadda si bilaash ah ku keenaya.

Si kastaba, Tottenham iyo Arsenal ayaa la sheegayaa inay iyaguna doonayaan Paulo Dybala oo ay ku cidhiidhinayaan  Manchester United.

 

Leave a Reply