Faah-Faahinta Heshiiska ay Bayern Munich ku Doonayso Robert Lewandowski

0
235

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay wax walba u samayso sidii ay Bayern Munich ugala wareegi lahayd Robert Lewandowski kaas oo ay u soo bandhigtay heshiis 3 sano ah sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Polan ayaa u dabaal-dagi doona da’diisii 34-aad marka la gaadho bisha August laakiin wali waxa kuu soo bandhigaya qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 47 gool 41 kulan oo uu ciyaaray.

Heshiiska Lewandowski ee Bayern Munich ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka 2023 waxaana jira shaki weyn oo ka jira mustaqbalkiisa kooxda Bayern.

Sida laga soo xigtay Sport, Barcelona ayaa dooneysa inay Lewandowski ku soo dhaweyso kooxda kana saxiixdaan heshiis ilaa xagaaga 2025 iyaga oo wax walba u samayn doona sidii ay u heli lahaayeen saxeexa xiddiga.

Waxa jira warar sheegaya in Lewandowski uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Barcelona hadii ay kooxda Barcelona dalab Rasmi ah ka soo gudbiso saxeexiisa.

Leave a Reply