Barcelona oo Guul-darro Xanuun Badan Loogu Xambaariyey Camp Nou, Horyaalkana u Hibaysay Real

0
397

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul-darro xanuun badan kala kulantay naadiga yar ee Cadiz oo ku garaacay garoonka Camp Nou, isla markaana ka hor istaagay inay dib u dhigto  waqtiga ay Real Madrid  ku guuleysanayso horyaalka LaLiga ee sannadkan.

Cadiz ayaa markii saddexaad oo isku xigta iska celisay Barcelona, waxaanay ciyaartii hore ee xilli ciyaareedkan ay ku qabatay barbarro halka kulankii kasii horreeyeyna ay ka badisay.

Barcelona oo inta badan ciyaarta maamulanaysay ayaa awoodi weyday inay ka faa’iidaysato fursadaheeda, si ay usoo yarayso farqiga dhibcaha ay ka dambayso Real Madrid oo 15 dhibcood ah, hase yeeshee kooxda martida ayaa iyaduna fursado badan oo ay heshay ka faa’iidaysay mid ka mid ah oo ay goolhaye Ter Stegen qasab ku marsiiyeen kubadda.

Gool madi ah oo daqiiqaddii 48aad ee bilowga qaybta labaad uu u dhaliyey Lucas Perez ayaa guusha ku hoggaamiyey Cadiz oo goolhayaheeda Jeremias Ledesma uu qabtay shaqo heersare ah.

Qaybta hore ayay labada kooxood ku dhamaysteen goolal la’aan, laakiin Barcelona ayaa cadaadis badan ku haysay Cadiz, iyadoo heshay tiro fursado ah, waxaana ugu cadcaddayd kubbad hoose oo uu Ousmane Dembele ku toogtay goolka  balse uu goolhaye Ledesma uu ka qabtay. De Jong ayaa isaguna helay fursado wanaagsan 45kii daqiiqadood ee qaybta hore.

Cadiz ayaa iyadana ay u sahlanayd inay gaadho goolka  Barcelona, waxaanay difaaceeda jabiyeen laba jeer oo ay Sobrino iyo Lucas Perez u dhowaadeen inay shabaqa soo taabtaan.

Tababare Xavi Hernandez ayaa qaybtii hore la arkayay isaga oo aan faraxsanayn oo marar dhawr ah soo istaagay laynka garoonka, waxaana uu saluug badan ka muujinayay afka hore ee kooxdiisa oo dhamaystirkeedu liitay.

Lucas Perez ayaa burburiyey qorshaha Xavi uu lasoo shirtegay qaybta labaad, kaddib markii uu kaga nixiyey gool degdeg ahaa oo uu masaafo lix yard ah kaga toogtay goolka, kaddib markii uu helay kubbad ay kasoo wada shaqeeyeen Alex iyo Sobrino.

Barcelona ayaa heshay intaas wixii ka dambeeyey waxay weerar aan kala joogsi lahayn ku qaadday Cadiz, waxaanay heshay in ka badan toban fursadood oo goolal noqon karayay.

Ousmane Dembele ayaa kubbad halis ahayd oo uu ku toogtay goolka, waxa isku dhigay oo laba gacmood oo diyaarsanaa ku leexiyey goolhayaha Cadiz, ka hor intii aanu Luuk de Jong madax ku qabanin kubbad koorne ahayd laakiin uu ku hagaajiyey goolhayaha. Waxa isaguna fursad khasaariyey Aubameyang oo beddel kusoo galay qaybtii dambe.

Cadiz ayaa iyaduna heshay laba fursadood oo fiican oo ay goolasha kusii dheeraysan karayeen, waxaanay midkood dhinac mariyeen birta iyadoo aanu goolhaye Ter Stegen xataa laacin iyo mid kale oo uu goolhayaha Jarmalku dhamaadkii ka dallacay goolkiisa.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Cadiz oo usoo dallacday kaalinta 16aad ee horyaalka, isla  markaana  laba dhibcood dhaaftay Real Mallorca iyo Granada oo min 29 dhibcood haysta, kuna kala jira 17aad iyo 18aad.

Barcelona ayaa iyaduna sii xajisatay kaalinteeda labaad, waxaanay isku dhibco yihiin Sevilla oo ay Real Madrid kabadisay xalay, waxaanay haystaan min 60 dhibcood, waxaanay 15 dhibcood ka dambeeyaan Real Madrid oo hoggaanka horyaalka haysa xilli dhamaadka xilli ciyaareedkana ay ka  hadhsan yihiin lix ciyaarood oo kaliya.

Leave a Reply