Waxaan Xaqiijiyay In Aan Maalqabeen Ahay!

0
231

Sida lagu daabacay warsidaha AfricanNews ninka ugu taajirsan qaaradda Afrika  Aliko Dangote ayaa xisaabtiisa baanka uu ku leeyahay kala baxay lacag dhan 10 milyan oo doller. Aliko ayaa sheegay sababta uu ula baxay lacagtaasi in ay ahayd inuu xaqiijiyo isla markaana uu hubiyo inuu isagu laayahay.

Aliko oo ku sugnaa caasimadda Ivery cost ee Abdijan oo uu kaga qayb galay xafladda hay’adda Moxamed Ibrahim ayaa arinkaasi xaqiijiyay.  Waxaana uu sheegay inuu doonayo inuu daawado lacagtaasi si uu ugu qanco  inuu isagu leeyahay, oo marka uu doono Baanka dhigan karo marka uu rabona uu kala bixi karo.

Maalqabeenkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi :” “Waxaan aaminsanaa in lacagtani ay tahay wax qalin jeegag lagu qoray oo keliya, si aan u hubiyo waxaan tegay bankiga waxaana aan kala soo baxay 10 milyan oo dolar accounkeyga gaarka ah.”. Shandad ayaa ku soo riday oo aan gaadhigayga soo saaray, waxaana aan keenay gurigayga, markii aan furay ee aan tiriyay iyadoo I hor taalla ayaan ogaaday inay dhab tahay, waxaana aan markaasi idhi: “ Hadda ayaan rumaysan karaa in hantida aan leeyahay aanay ahayn keliya waraaqo iyo jeegag ee laakiin ay tahay mid lacag dhaba ah “  Ninkan ayaa sanadkii 2014 noqday qofka 23 ee dunida ugu maalqabeensan.

Leave a Reply