Ancelotti oo Magacaabay Xulka Lama Filaanka ah ee uu Koobka Aduunka Taageerayo

0
293

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday xul lama filaan ah oo uu taageeri doono koobka aduunka ee sanadkan ka qabsoomaya dalka Qatar waana dalka Canada oo mudo dheer kaddib loolankaas kusoo laabtay.

Ancelotti ayaa caadiyan taageeri lahaa dalkiisa Talyaagina balse kaddib guuldarro ay kala kulmeen North Macedonia, Azzuri ayaa markii labaad ee xidhiidh ah ka maqnaan doona koobka aduunka.

Canada ayaa usoo baxday markii ugu horreysay koobka aduunka tan iyo 1986 iyaga oo ugu sarreeyay xulalkii ka socday xidhiidhka CONCACAF.

Sababta koowaad ee uu ugu horreynba Carlo u taageeri doono Canada ayaa ah maadaama oo uu sanadkii 2014 guursaday gabadh ganacsato ah oo kasoo jeeda dalkaasi laguna magacaabo Mariann Barrena McClay.

Sabab kale oo uu u taageeri doono macalinka ree Talyaani dalkaas Canada ayaa ah maadaama guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Canada uu kasoo jeedo gobolka Talyaaniga ah ee Abruzzo.

Carlo oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yidhi “Koobka aduunka waxaan taageeri doonaa Canada, iyagu sanado badan ayay ka maqnaayeen waana dalkayga labaad”.

“Kaddib madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Canada waxa uu kasoo jeedaa Abruzzo, sidaas darteed qofkasta waxa uu taageeri doonaa Canada”.

Leave a Reply