Arsenal ayaa Kaalinta 5-aad Kala Baxday Man United oo ay Liverpool Karbaashtay

0
429

Man United ayaa kulankii Liverpool ee xalay gashay iyaga oo ku jira kaalinta 5-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib markii ay sabtidii kala bexeen Arsenal kadib guushii Norwich City.

Kooxda Man United ayaa farqiga goolasha Arsenal kaga haysay kaalinta 5-aad ee premier League laakiin Arsenal ayaa ku soo laabatay kaalinta 5-aad iyaga oo aan xitaa wax kulan ah wali ciyaarin.

Liverpool ayaa gacan weyn ka qaadatay in ay Arsenal kooxda Man United kala baxdo kaalinta 5-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa 4/0 kaga badisay kooxda Man United taas oo la macno ah in 4 gool laga jaray goolasha ay Dhalisay kooxda Man United taas oo la macno ah in ay 4 gool ka hoosayso Arsenal.

Arintaas ayaa Arsenal ka caawisay in ay farqiga goolasha ugu soo laabatay kaalinta 5-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo 4 gool dheer kooxda Man United.

Leave a Reply