Messi oo Go’aan ka Gaadhay Kooxda uu u Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe

0
448

Xiddiga reerr Argentina ee Lionel Messi ayaa go’aan ka gaadhay kooxda uu shaadhkeeda xidhan doono ee uu u dheeli doono xilli ciyaareedka dambe, iyadoo aanu wali dhamaanin sannadkiisii koowaad ee Paris Saint-Germain.

Messi ayaa xagaagii heshiis laba sannadood ah u saxeexay PSG, waxaana u hadhsan hal sano oo kale, waxaana la fahamsan yahay in uu sii joogayo Parc des Princes illaa laga gaadhayo June 2023 oo ah waqtiga uu ku egyahay heshiiskani.

Waxa  jira  warar kale oo sheegaya in heshiiska uu ku jiro qodob dhigaya in sannad kale oo saddexaad oo dookh ah ay PSG haysato oo ay u kordhin karto laacibkan haddii ay isku afgartaan, hase yeeshee faahfaahin badan lagama hayo jiritaanka sannadkaas saddexaad, iyadoo uu agaasimaha PSG ee Leonardo uu mar wax laga weydiiyey u muuqday mid qiraya in aanu jirin.

34 jirkan oo xilli ciyaareed liita la qaadanaya PSG, illaa haddana aan si fiican ula qabsanin kubadda Faransiiska ayaa dhaliyey laba gool oo kaliya oo horyaalka Ligue 1 ah, waxaanu ku dhaamay tartanka Champions League oo uu kaga goolal badnaa, inkasta oo ay jamaahiirta kooxdu ku ooriyeen markii ay kooxdaasi wareegga 16ka kaga hadhay tartanka Champions League oo ay Real Madrid ku garaacday.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa waddanka Spain, Lionel Messi waxa uu mar horeba gaadhay kooxda uu u ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu doonayaa in uu kusii jiro fagaareyaasha waaweyn ee Yurub oo uu kasoo muuqdo tartanka Champions League.

Messi ayaa waxa uu go’aankiisu yahay in uu sii joogo PSG xilli ciyaareedka dambe, iskuna dayo inuu ka caawiyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen tartanka Champions League.

Leo Messi ayaa waxa uu isugeyn u dhaliyey PSG siddeed gool waxaana uu caawiyey 13 kale.

Leave a Reply