Xisbiga Dhaca ayuun Baa Xarashasho Noqon Doona

0
314

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Muniir Axmed Cigaal oo ah masuul ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddanii.

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye waxa uu u soo jeediyay xisbiga mucaaridka ah ee waddani in ay dhammaatay beer laxawsiga beenta ah iyo ilmada Yaxaaska ee bulshada la iskaga kor daadinayo, sidoo kalena aanay bulshadu ku indho-daraarayn sawir been ah oo meel la dhigo ee loo baahan yahay waxqabad la taaban karo.

Jamaal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Muniir waxa uu hadal beer laxawsi ah u jeediyay bulshadii isoo dooratay, waxaan leeyahay Muniir waxba laga waydiin maayo arrintaas, waxaan leeyahay Somaliland oo dhan waxaa matalay 82-ka xildhibaan, cidii aanay cidiba u soo bixin iyo kuwii ay xildhibaanadoodu dhaceen ba anaga ayaa matalayna. Dalka oo dhan bari iyo galbeed ba in dadka loo hadlo oo la difaaco xaquuqdooda waa waxa aanu u dhaaranay waana waxa aanu kitaabka u marnay, umaanaan dhaaran deegaan gaar ah ee waxaanu dhaaranay Somaliland oo dhan. Xisbiga Waddani-na waxaan leeyahay xisbigii dhaca ayuun baa xarashasho noqon doona.”

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye waxa uu intaasi ku daray “Anigu uma samaysni eeda iyo in dadka la iska maago, laakiin waxaan rabaa in aan ka hadlo dhawr qodob oo uu ka hadlay Muniir Axmed Cigaal, isaga oo sheegay in aan ka tirsanaa xisbiga Waddani oo aan wakhti badan ku soo qaatay, runtii taasi been maaha, xisbigana iskamaan dhex fadhiyin ee waxaan ahay raggii keenay midhahaas aad maanta guranaysaan.”

Jamaacl Aadan Diiriye waxa uu sheegay in uu hore uga tirsanaa xisbiga Waddani iska markaana muddadii uu ka tirsanaa xisbigaas uu guulo waaweyn u soo hayay waxaanu ydihi “Doorashadii 2012-kii waxaan u keenay xisbiga Waddani codkii ugu badnaa, xiligaas Muniir waxa uu ahaa xisbiga KULMIYE oo waxa uu la shaqaynayay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Wasiirka madaxgtooyada ah. Sidoo kale doorashadii 2017-kii wuu nala shaqaynayay oo wuu nala joogay, sidoo kale doorashidii 2021-kii waxaan ahaa raggii ugu firfircoonaa ee keenay guushaa xisbigu ku hantiyay tirada hal-dheerida ah ayaan ka mid ahaa, markaa xisboga intaas oo dhan waan joogay, waxaanan ahaa agaasimihii xarunta dhexe. Laakiin adiga laftigaagu waxaad ka mid ahayd xisbiga KULMIYE oo aad ku soo barbaartay, markii aad garan wayday qorshahaagii waad ka tagtay oo waxaad u wareegtay xisbiga Waddani kumana eedaysnid. Dhaliil iyo dembi toona maaha in qofku in uu xisbi ka wareego oo uu xisbi kale u wareego. Markaa waxaan leeyahay walaalkay Muniir haddaad dhaliil ka dhigayso xisbiga ayuu Jamaal ka mid ahaa, waanu u shaqaynay inaanu u shaqayn karaynay, qofkuna maaha geed ka baxay xisbiga ee fikirkiisa waa xor iyo marba halka uu u arkayo in siyaasadda dantiisa iyo ta ummadiisu ku jirto wuu u madax bannaan yahay.”

 

Leave a Reply