Miyaad Garanysaan Waxaan Ka Hadlayo ?

0
441

Ninka lagu magacaabi Juxa ayaa maalin tuuladiisu ka codsatay madaama uu yahay nin caqli badan inuu khudbad u jeediyo. Laakiin markii uu minbarka koray ayu weydiiyay : “ Ma garanaysaan waxaan ka hadli doono “? Maya ayay ugu jawabaan.   Ka dibna wuu iska soo dhaadhacay isagoo leh Hadii aydaan garanyn waxaan ka hadlayo, waxaad tihiin jaahiliin wacdiguna waxba idiinma tarayo. Maalin danbe ayay haddana ka codasdeen xikmadihiisa, inuu dadka u sheego.


Maalintaasina markii uu koray minbark ayuu weydiiyay  ma garanysaan waxaan idinka kala hadlayo, waxayna ku jawaabeen haa. Ka dibna wuxu yidhi haddii aad garanaysaan waxaan ka hadlayo uma baahnidin khudbad, waana uu iska tegay.

Maalin danbe ayay haddana odoyaashii iyo dadkii tuulada ka codsadeen khudbadiisa. Maalinkan waxa uu weydiiyay “ Ma garanaysaan waxaan ka hadlayo “ kooxi waxay tidhi , haa halka koox kalen tidhi “Maya”. Ka dibna wuxu yidhi “ Kuwa garanayaa ha baraan ku aan garanayn. Itaasi ka dibna wuu iskaga dhaqaaqay. Juxa aqoondaradiisa waxa uu ku qariyay fahamkiisa sareeya.

Leave a Reply