Riyad Mahrez oo Noqday Ciyaartoyga Ugu Saamaynta badan dhinaca gool-dhalinta iyo caawinta ee Manchester City

0
484

Riyad Mahrez ayaa noqday ciyaartoyga ugu saamaynta badan dhinaca gool-dhalinta iyo caawinta Manchester City tan iyo markii uu uga soo wareegay Leicester City, waxaanu kaalinta koowaad kaga jiraa isu-geynta caawinta iyo gool-dhalinta.

Xiddiga reer Algeria ayaa ku lug yeeshay 31 gool xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku siqayaa in xilli ciyaareedkan uu rikoodh cajiib ah ka sameeyo Etihad Stadium, waxaanu kaalin weyn kasoo qaatay jidkii ay usoo martay semi-finalka Champions League ee ay usoo gudubtay iyo inay hoggaanka horyaalka hayso lix ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

Ciyaartii ay Man City 3-0 ku garaacday Brighton Arbacadii, waxa uu Mahrez dhaliyey gool qurux badan, halka ay labada kalena ku dareen Phil Foden iyo Bernardo Silva. Mahrez ayaa sidoo kale caawin sameeyey ciyaartan.

Waxaana uu baas meel dheer ah u dhiibay Foden oo isaguna dhaliyey, waxaana labadan gool ee uu midna dhaliyey midna  caawiyey ay tirada goolasha uu dhaliyey ama caawiyey ka dhigeen 31 gool xilli ciyaareedkan socda.

Goolasha uu dhaliyey oo kaliya ayaa ah 23 gool oo dhamaan tartamada ah, halka sagaalka kalena ay yihiin goolal uu isagu caawiye ka noqday.

Lix ciyaarood oo horyaalka Premier League ah iyo kulamada semi-finalka Champions League ee ay la dheeli doonaan Real Madrid iyo waliba haddii ay usoo gudbaan finalka, waxa uu Riyad Mahrez ku noqon karaa ciyaartoygii goolasha ugu badan ku lug yeeshay hal xilli ciyaareed gudihii.

 

Leave a Reply