Beeraleyda Itoobiya oo dusha saartay Yaanbadii dibida ee beerta lagu qodi jiray kadib markii xoolihii ay ka dhammaadeen.

0
605

Hargeysa (Dawan) Waxaa baraha bulshada si weyn ugu baahay sawirro ku saabsan beeraley ku sugan Koonfurta Itoobiya oo la arkayay iyaga oo dusha loo saaray Yaambada garbaha loo saaro Dibida ee lagu qodi jiray   beeraha.

Waxay ku sugnaayeen tuulada Taltalle oo ka tirsan gobolka Booranta Itoobiya, deegaankaan waxaa si weyn u saameysay abaaraha ka taagan gobolka.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in shaqadii xoolaha lagu qaban jiray ay haatan iyagu dusha saaranayaan maadama dibidii ay beeraha ku falan jireen ay ka laaysay abaarta.

Qof ku sugan tuulada Bilee Dandii ee koonfurta Itoobiya ayaa sheegay inay isku xilqaameen inay is caawiyaan haddii ay yihiin beeraleyda isla markaana aanay haysan xoolo ay ku qotaan beeraha.

Leave a Reply