Kenya oo qunsul cusub u magacawday Somaliland

0
499

Nayroobi (Dawan) Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee dowladda Kenya u joogi doona magaalada Hargeysa, ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya, ayaa sannadkii hore afar sarkaal oo uu ku jiro Benson Mwaliko u soo dirtay magaalada Hargeysa, isagoona ku magacawnaa madaxda xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada dhinaca.

Diblumaasiyiintu waxa ay sheegayaan in qiyaas ahaan 10,000 oo Kenyan ah ay ku noolyihiin, kana shaqeynstaan Somaliland.

Leave a Reply