Hawl-gal lagu Sugayo Bad-Qabka Korantada oo laga Fuliyey Qaybo Kamida Magaalada Hargeysa

0
420

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Tamarta Qaranka Somaliland, ayaa hawlgal lagu hubinayo badqabka adeegga Korantada ka fuliyey qaybo kamida Caasimada Hargeysa, xaafada State House-ka iyo suuqa Waaheen ee dhawaan gubtay,iyadoo laga hortegayo inay khatar dab ka dhalato xadhkaha korantada ee sida aan nidaamsanayn, kana fog badbaadada loogu qaybiyo korantada.

Masuuliyiinta Komishanka Tamarta Qaranka oo hogaaminayey hawlgalkan, ayaa qiimeeyey hannaanka dab-qaybineed ee ka jira goobahaasi, waxaana wehelinayey xubno ka socday Shirkaddaha bixiya adeegga Korantada ee Magaalada Hargeysa, kuwaasoo laga tijaabinayey agabka iyo nidaamka ay mariyaan qulqulka korantada.

Talaabadan ayaa ku salaysan fulinta Qorshe iyo hab-raac ay hore u dejiyeen Guddida tamarta Qaranka iyo Shirkaddaha Korantada oo dib-u-habayn loogu sameynayo xadhkaha iyo biraha Laydhka magaalada, si looga gaashaanto waxyeellada soo noqnoqotay ee ka dhalata halistiisa.

Agaasimaha guud ee komishanka Tamarta Qaranka Maxamed Maxamuud Cabdi Malow oo hogaaminayey hawlgalka laga sameeyey Xaafada State House-ka, ayaa sheegay inay hore shirkaddaha xaafadaasi korantada siiya uga balameen inay gabi ahaanba isbedel ku sameeyaan agabka ay isticmaalaan ee xaafaddaasi adeegga lagu gaadhsiiyo “komishanka tamarta Qaranku wuxuu dhawaan qiimeyn ku sameeyey badqabka adeegga korantada ee xaafaddan oo aad u hooseeyey, kaddib waxaanu isugu yeedhnay Shirkaddaha laydhka bixiya oo aanu ku amarnay inay la yimaadaan qorshe deg deg ah oo ay wax kaga bedelayaan Biraha laydhka, Xadhkaha iyo agabka kale ee ay isticmaalaan, tii ayaanu maanta halkan u joognaa oo ay bilowday shirkadda Telesom,waanan uga mahad-celinaynaa”ayuu yidhi Agaasime Maxamed.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray “waxa ay ka bedelayaan guud ahaanba biraha daallay ee liicsan, kuwa gaagaaban, xadhka geedaha ku xidhan oo khatar badan keenaya iyo agabka kale ee ay laymanka Laydhku ugu xidhan yihiin, waxaa la doonayaa in bad-qabka adeeg,-bixinta hadday bir tahay, hadday xadhkaha tahayba la gaadhsiiyo boqolkiiba boqol”ayuu raaciyey.

Guddida Xaafada Isku-raranta ah ee State House-ka ayaa soo dhaweeyey talaabadan lagaga hagaajinayo xadhkaha korantada oo ay sheegeen inay wadnaha farta ku hayeen halista kaga imanaysa, waxaanay uga mahad-naqeen dawladda iyo shirkaddaha adeegga bixiyaba hawshan wax lagaga qabanayo dhibaatada ku geddaamnayd.

Sidoo kale, guddoomiyaha Komishanka Tamarta Axmed Faarax Cadare, ayaa sheegay inay guddidu qaaday hawlgal fulinneed wax lagaga qabanayo Biraha iyo xadhkaha daadsan suuqa wadnaha ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu tilmaamay inay dalaamadiyeen agabka xamaara xadhkaha laydhka ee dayacan, isla markaana shirkaddaha iska leh lagu amray inay si dhakhso ah u dayactiraan, kuwa aan nidaamka waafaqsanayna u fujiyaan, birahana ay ku xidhaan qalabka badbaada ee ka ilaalinaya mayeedhaanka iyo dadkaba “waxa jira xadhko iyo biro badan oo shirkaddihii lahaa kaceenba oo iska daadsan. Waxa la calaamadiyey meelo badan oo la doonayo in wax laga qabto, si aanay khatar uga iman” ayuu yidhi guddoomiye Caddare oo intaasi raaciyey ” hawshani waa masuuliyad-wadarreed weeyaan oo meelaha qaarkood waxa iska leh guryaha iyo suuqa, meelaha qaarna waxa leh shirkaddaha, markaa komishanku wuxuu dib-u-eegis ku sameeyey masaafo dheer oo ay dib u habayntu ka socoto”ayuu mar kale yidhi.

Guddoomiyaha oo hadalka sii wata ayaa sheegay “xadhkaha iyo biraha Laydhka ee daadsan waxay sababeen  khatar Dab iyo bilic-xumo magaalada ah”

Dawladda iyo shacabka Somaliland ayaa hadda ku baraarugsan halis xooggan si sahlan uga dhalan karta hanaanka  taxadir la’aanta ah ee ay u xidhiidhsan yihiin xadhkaha Laydhka iyo Telefoonnada ee magaalooyinka dalku.

 

 

 

 

Leave a Reply