Farsamadii Ay Kaga Badbaaday Tuugta!

0
365

Gabadh dhakhtarad ah oo u dhalatay dalka Baraasiil ayaa khaati iska taagtay tuug ka soo dhacaysa dayrka gurigeeda wakhti kasta,  kuwaasi oo ka xadayay alaabooyinkeeda. Gabadhan ayaa gidaarka dayrka ku taxday daraasiin siringiska dadka irbadaha lagu siiyo kuwaasi oo lagu isticmaalay dadka qaba xanuunka HIV-AIDS.

Dhakhtardan ayaa markii ay ku taxaday dayrka irbadihii daraasiinta ahaa ku qortay weedhahan digniinta aha:  “Gidaarkani wuxu leeyahay dhiiga AIDS oo dhab ah. Ha isku deyin inaad ku xadgudubto oo aad ka soo dhacdo”. Taasi oo keenaysa inaad si fudud u qaado cudurka AIDS.

Waxaana la sheegay in arinkaasi ay kaga badbaaday tuugadii sida joogtada ugu soo dhacaysay gurigeeda oo  ka baqatay inay irbaduhu mudanaan oo si fudud u qaadaan xanuunka halista ah ee AIDS-ka.

Leave a Reply