Xikmada Maanta

0
429
  • Iska jir dadka mar kasta dheegidda ceebaha dadka
  • Guushu waa arrin si adag lagu gaadho
  • Samir , xikmad iyo cadaalad samee adiga oo awood leh, iska saamax oo cafi dadka adiga oo aarsan kara.
  • Kuwa fashilma waxa sabab u ah waxay ka baqaan tijaabada.
  • Ma jiro qof sabool ku noqday sadqad uu bixiyay.
  • Odhaahda xumi waxay ka soo baxdaa caqliga xun
  • Aduunyadu waa dugsi, maamulaheeduna waa wakhtiga, maclinkeeduna waa Qadarka ardayduna waa dadka.
  • Weliga xasadka iska jir, maxaa yeelay inaad bakhtiiso shamaca qof kale , iftiin u kordhin mayso shamacaaga.

Leave a Reply