Hargeysa (Dawan) Hay’adda lacagta adduunka ayaa ka digtay in kor u kaca qiimaha cuntada iyo tamarta ee uu kiciyay dagaalka Ukraine uu horseedi karo qalalaaso dhanka bulshada ah oo wajahan dalalka Afrika.
Abebe Aemro Selassie, oo ah madaxa IMF ee waaxda Afrika, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay kor u kaca raashinka iyo tamarta, isagoo intaa ku daray in arrintaasi si gaar ah looga dareemay inta badan dalalka Afrika ee aan dhoofin saliidda ama gaaska.
Madaxa IMF ayaa sheegay in haddii aan wax laga qaban korodhka qiimaha cuntada iyo tamarta ay sare u qaadi karaan heerka saboolnimada, isla markaana ay horseedi karaan xasillooni-darro ku timaada bulshada.
Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa daraasad cusub oo ay sameysay ku sheegay in qiimaha cuntada uu kor u kacay 12.6 boqolkiiba intii u dhaxaysay February iyo March ee sannadkan.