Erdogan oo doonaya in uu hagaajiyo xidhiidhka Turkiga iyo Sacuudiga

0
198

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa xalay gaadhay dalka Sacuudi Carabiya, isaga oo doonaya inuu dib u hagaajin weyn lagu sameeyo xidhiidhka u dhexeeya labada dalka ee ugu miisaanka culus gobolka, kadib dilkii wariyihii dhalleeceyn jiray boqortooyada ee Jamal Khashoggi.

Booqashadan ayaa waxay calaamad u noqoneysaa dadaalladii u dambeeyay Turkey uu ku dhisayo xidhiidhka waddamada ay xurgufta ka dhexaysay ee gobolka, waa booqashadii ugu horraysay ee Erdugan uu ku tago Sacuudiga tan iyo 2017-kii markaas oo sanad kadib ay wariye Jamal Khashoggi dil u geyteen wakiillo ka socadya Sacuudiga.

Hoggaamiyaha Turkey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jiddah kusoo dhaweeyay duqa magaalada Mecca.

Booqashada Erdugan ayaa imaaneysa iyada oo horraantii bishan uu Turkey joojiyay maxakamadeynta 26 eedaysane oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dilkii Jamal, oo ahaa qoraa ka tirsanaa jariidada Washington Post, kaas oo si weyn u dhalleeceyn jiray dhax sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan

Leave a Reply