Raashin loo  qaybiyay  qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Hargeysa.

0
392

Hargeysa (Dawan)  Ururka gargaarka iyo horumarinta ee Kalkaal deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah oo ku nool xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Deeqdan oo iskugu jirtay daqiiq, bariis sakor iyo saliid ayaa waxaa faaideysatay konton qoys oo danyar ah.

Mubaarig Cabdiraxmaan Yuusuf oo ka mida masuuliyiinta ururka gagaarka iyo horumarinta ee Kalkaal, ayaa ayaa ka waramaya qaabka loo qaybiyay deeqdan “Waa wajigii shanaad oo aynu ku soo gaba’gabayn doono raashinkii aynu siin jirnay dadka masaakiinta ah.

Waxa aynu joogna waa xaafada Maxamed Mooge, waxa aynu raashin siin doona 50 qoys, ahna raashinka afurka Ramadaanta, qoyskastana halkan ka qaadan doono, wajigii u danbeeyayna waa uu noqon doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, ILLAAHEY miisaanka xasanaadka hawgu darro cidkasta oo wax ku soo darsatay, isla markaana garab istaagtay walaalaheen.”

Qaar ka mida qoysaskii deeqdan ka faa’idaystay ayaa ka mahadceliyay, waxaanay sheegeen in xilli loo baahna ay deeqan ku soo beegeen.

 

Leave a Reply