Qore: Khadar.M.Dhako.
Hargeysa (Dawan):-Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland,ayaa lagu war geliyay in uu furmayo kalfadhiga 78-aad ee golaha Guurtida Somaliland.
Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa ugu baaqay kuna wargaliyay Mudaneyaasha Golaha Guurtida in Maalinta Axada uu furmi doono kalfadhigii 78aad ee Golaha Guurtida.
.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.Waxaana uu u dhignaa Sidan.”Dhamaan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland waxa la ogeysiinayaa in uu furmi doono kalfadhigii 78aad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland,Maalinta Axada ee Bishu tahay 8/05/2022,Saacada 9:30 subaxnimo, sidaas darteed waxa la idin farayaa in aad wakhtiga dhawrtaan,”