Maalqabeennada Ruushka oo hantidooda ula baxsanaya Imaaraadka

0
374

Hargeysa (Dawan) Magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa noqtay hoyga maal-qabeennada dalka Ruushka ee ka baxsanaya saameynta cunna-qabateynta reer Galbeedku ay ku beegsanayaan Ruushka sababo la xidhiidha dagaalka Ukraine.

Tiro badan oo aan horay loo arag oo ah maalqabeenno iyo ganacsato u dhashay dalka Ruushka ayaa ku qulqulaya Imaaraadka Carabta.

Hantida ay iibsanayaan ganacsatada Ruushka ee Dubai ayaa sare u kacday 67% saddexdii bil ee u horreysay sanadkaan 2022, sida lagu sheegay warbixin la baahiyay.

Imaaraadku wax cunaqabatayn ah kuma soo rogin Ruushka manay dhaleecayn duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Sidoo kale Imaaraadku wuxuu dal-ku-gal siiyay dad Ruush ah xilli wadamada reer Galbeedku ay xayiraad dalalkooda ka saareen.

Leave a Reply