Arsenal oo Guul Dirqi ah kaga Adkaatay Toban Ciyaartoy oo Leeds United ah, Hal Dhibicna U Jirta Chelsea

0
430

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul dahabi ah oo ay hore ugu ruqaansatay ka gaadhay Leeds United oo marti ugu ahayd Emirates Stadium, taas oo ay ku garaaceen 2-0, iyadoo uu xiddiga da’da yar ee Nketiah uu wacdaro ka dhigay ciyaarta.

Arsenal ayaa usii dhowaanaysa inay xaqiijisato kaalinta afraad ee horyaalka Premier League oo ay in muddo ah isku eryanayeen Tottenham oo hadda afar dhibcood  ka dambaysa iyadoo saddex ciyaarood uga hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

Laba gool oo qaybtii hore uu dhaliyey Eddie Nketiah ayaa Arsenal siiyey guul ay u qalmaysay, halka Leeds United inta badan ku ciyaaraysay 10 laacib ay gool la timid waqti dambe, kaas oo ay awoodi waayeen inay mid kale raaciyaan.

Gunners oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa u qalmaysay inay la timaaddo goolal intan ka  badan, waxaanay goolka Leeds toogatay 18 jeer oo 8 ka mid ah ay kubadda ku hagaajiyeen goolka, halka kooxda martida ahayd ay kaliya hal mar toogatay goolka Arsenal.

Daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta ayuu Nketiah gool degdeg ah kaga nixiyey Leeds United, waxaanu goolkaasi noqday furaha guusha Arsenal ay ka gaadhay ciyaartaas.

Goolhaye Mesliere ayaa kubbad hadiyad ah siiyey Nketiah, waxaanu kubadda la tegay goolka oo madhan xilli uu Meslier awoodi waayey in qaladka uu sameeyey uu badbaadiyo.

Leeds United oo 12kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ee ay ka  hor tagto Arsenal aan awoodin inay shabaqeeda ka ilaashato Gunners ayaa taariikh xun kusii dartay rikoodhkeeda aan fiicnayn ee soo bilowday February 1993kii, laga soo bilaabo waqtigaasna waxay Arsenal macmiil u ahayd shabaqa Leeds United.

Shan daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay Arsenal keentay gool labaad oo uu u dhaliyey Nketiah oo ku biiray xiddigaha macmiilka u noqday goolka Leeds United, waxaana uu dhamaystiray kubbad uu ka helay Gabriel Martinelli oo dhinaca bidix uga soo dhiibay.

Leeds United ayaa noqotay 10 ciyaartoy daqiiqaddii 27aad, markaas oo kaadh casaan ah oo toos ah loo taagay difaaca bidix ee Luke Ayling oo qalad xun ku galay Gabriel Martinelli, waxaana qaladkiisa laga soo hubiyey VAR oo garsooraha ku riixday inuu beddelo kadhkiisii huruudda ahaa ee uu markii hore bixiyey.

Llorente ayaa badbaadiyey kubbad halis ahayd oo laynka kasii gudbaysay, taas oo ahayd laad xor ah oo uu too tuuray Martin Odegaard.

Isma aanay dhiibin Leeds United inkasta oo ay ku ciyaarayeen toban laacib, waxaanay keeneen gool madi ah qaybtii labaad, kaas oo uu u saxeexay difaaca reer Spain ee Diego Llorente.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Leeds United samaysay isku-dayo iyadoo goolhaye Meslier uu soo galay kubbad madax ah si uu u saxo qaladka uu kooxdiisa guul-darrada ugu soo jiiday, hase yeeshee ciyaarta ayaa  kusoo dhamaataya 2-1 ay guushu ku raacday Arsenal.

Leave a Reply