Barcelona oo Faahfaahin ka Bixisay Wada-hadallada ay Kula Jiraan Gavi

0
375

Barcelona ayaan wali xal buuxa u helin mustaqbalka xiddiga da’da yar ee Gavi oo aan ogolaanin in uu saxeexo heshiis uu waqtiga ugu sii dheeraynayo, isla markaana lagu darayo qodob xakame uga noqonaya in koox kale ay soo hungurayso, amaba uu isugu ku riixi karo kooxda inay iibiso.

Kooxda reer Catalonia ayaa dhowaanahan waxay xaqiijinaysay mustaqbalka ciyaartoydeeda, waxaanay hore heshiisyo waqti dheer  ah uga saxeexday Pedri, Ansu Fati iyo Ronald Araujo, balse 17 jirka khadka dhexe ee Gavi ayaan wali lagu qanin inuu qalinka u qaato heshiis cusub.

Kaddib guushii ay Barcelona  xalay ka gaadhay Real Betis oo ay 2-1 ku garaaceen, Mateu Alemany oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona ayaa la weydiiyey xaalka Gavi oo ay soo baxayaan warar ku xidhiidhinaya Bayern Munich.

Mateu Alemany ayaa sheegay in uu Gavi doonayo inuu sii joogo kooxda, laakiin ay dheeraadeen wada-hadalladalabada dhinac inkasta oo mabda’ ahaan la isku raacsan yahay heshiiska cusub, waxaanu yidhi: “Gavi waxa uu doonayaa inuu joogo. Waqti dheer ayaanu wada-hadlaynay, labada dhinac na isku fikrad weeyaan, sannado badan ayaanu sii joogi doonaa Barcelona.”

Ciyaartii Real Betis waxa kusoo bilowday goolhaye Neto Murara oo beddelay Marc-Andre ter Stegen oo xanuun ku maqnaa, waxaana Alemany la weydiiyey mustaqbalka goolhayahan, xilli la  filayo in kooxdu ay iska dirto ciyaartoyda aanay muhiimka  u arag.

“Neto waa goolhaye wanaagsan, balse ter Stegen ayaa ah ciyaartoyda damaanadda u haysta inuu kusoo bilowdo. Waxa aanu leenahay cid booskaas dabooshay; Neto sannad ayaa uga hadhay qandaraaskiisa, waxaanu se ku faraxsanahay in aanu haysano goolhayeyaal kasoo baxay kulliyaddayada sida Inaki Pena iyo Arnau Tenas.

Leave a Reply