TAAKULAYNTA WAAHEEN: Qaadhaan Muslimiinta Maraykanku bixiyeen

0
304

Minnesota (Dawan)- Culimadda, Ganacsatada, Jaaliyadda Somaliland, bulshada Soomaalida, iyo dadka islaamka ee ku nool dalka Maraykanka ayaa jawaabtii ugu wacnayd, uguna badnayd la sheegay inay ka bixiyeen baaqii Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi & Guddiga Qaran ee Gargaarka & Taakulayntu Waahen u jeediyeen caalamka & Jaaliyaddaha reer Somaliland ee daafaha caalamka.

Dedaallo Qaadhaan lagu taakulaynayo ganacsatadii hantidoodu ku baaba’day dabkii suuqa Waaheen oo jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Maraykanku bilaabeen, maalmahii ku xigay ee khasaarahii dabka ayaa la sheegay inuu hormood u ahaan, fikirkeedana lahaa Cabdiraxmaan Kaahin, mid ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalada Minnesota, sida AFRODENI, siduu ii sheegay Imaan Sheekh Sacad Muuse Sh Isaxaaq.

Wareysi waregyska DAWAN la yeeshay Imaam Sheekh Sacad Muuse Sh Isaxaaq Arbacadii 04 May, 2022, oo ugu horeyn la weydiiyey shaqadiisa, ayuu ku jawaabay, Waxaan ahay, Imaamka magaalada Minnesota wakhtigan (Mansab Muslimiinta Minnesota, gaar ahaan Soomaalidu ii taqaano), waxuu kaloo sheegay inuu markii burburkii Daarahii mataanaha ee 9/11 ka dhacday Maraykanku, uu aasaasay hay’adda Nabadda Aduunka, oo hadafkeedu ahaa sidii looga shaqeyn lahaa nabada Maraykanka, iyo sidii Jaaliyadda Soomaalida & Mulimiinta ku nool Maraykanku iyo shacabka kale dhexdooda isfaham u yeelan lahaayeen, shaqo ilaa xilligan hay’addan oo u aasaase iyo gudoomiye u yahay qabato, sidoo kale sheegay inuu ahaa sheekhii Quraanka ka akhriyey Aqalka Cad ee Maraykanka, xilligii caleemo-saarka Madaxweyne Obama.

Sheekh Sacad oo la weydiiyey halkuu marayo dedaalo jaaliyaddaha Soomaalida, gaar ahaan jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka iyo weliba magaalada Minnesota ay wadeen oo la xidhiidhay taakulaynta ganacsatadii hantidooda ku waayey dabkii suuqa Waahen, ayaa ku jawaabay, “Ilaahay SW mahadii, hawshaasi si fiican ayey u socotaa, dhaqaale waxbadan tari doonanna gacantaa lagu hayaa xilligan, oo mustaqbalka dhow lagu soo shubi doono xisaabaha taakulaynta ee Guddiga Qaran shaaciyeen.

Sheekh Sacad ayaa sheegay in dedaaladda uu bilowgii fikirkeeda lahaa, Ilaahay SW haka abaalmariyee Cabdiraxmaan Kaahin, oo Ganacsatada waaweyn ee Jaaliyadda Somaliland ee Minnesota ah, sida AFRODENI, isla markaana Culimadda, Ganacsatadda, Jaaliyadda Somaliland, Soomaalida, iyo Mulimiinta Maraykanku ku nool ka qeybqaateen.

Waxuu sheegay inay munaasibado afur u qabteen Soomaalida Minnesota, sidoo kale, Masaajidada Soomaalidu imaamka ka tahay ee Maraykanka ku yaalana qaadhaanka laga soo wada uruuriyey, dhamaan waxii qaadhaan la helayna lagu soo shubay hay’adda HARRO, oo gudoomiye u yahay Sheekh Cali Xaaji. Sidoo kale, hay’adda Hope & Devl Org, oo Cabdiwahaab Aabi, madax u yahay ay hawlo qaadhaan uruurin ah wado, taasoo dhaqaalaha ay qabtaan, ku soo shubi doona hay’adda Harro, ayuu sheegay Sh Sacad.

Mar la weydiiyey caddadka qaadhaanka, ilaa xilligan ay qabteen, ayuu ku jawaabay Sh Sacad, Ilaahay SW mahadii, waa qaadhaan meel buuxinaya, kolay caddadkeedana waxay bulshadu ogaan doontaa, oo la shaacin doonaa, marka xisaabaadka Guddiga Qaran ee Gargaarka lagu soo shubo, oo shir ja’aaid la qaban doono, laakiin, waxaan kuu sheegayaa inay kor u dhaafayso hal milyan Dollar.

Mar la weydiiyey, hanaanka ay hawsha qaadhaanka u soo uruuriyaan, ayuu sheegay Sh Sacad, inay jiraan guddi ka kooban Culimada Soomaalida, Ganacsatada, Jaaliyadda Somaliland ee Minnesota oo Gudoomiye u yahay Dr. Maxamed Cabdillahi Shiine, kuwaasoo dhamanatood iska kaashada hawsha qaadhaan uruurinta, isla markaana wada shaqeyn dhow ay la leeyahiin guud ahaan Jaaliyadda Somaliland ee magaalooyinka Maraykanka, Soomaalida kale iyo Mulimiinta Maraykanka oo dhamaantood u istaagay ka qeybqaadashada taakulaynta walaalhooda ku ganacsan jiray suuqii gubtay ee Waaheen.

Imaan Sheekh Sacad Muuse Sh Isaxaaq, oo gunaanadkii la weydiiyey haduu fariin u dirayo bulshada Somaliland, xukuumada & Guddiga Qaran ee Gargaarka & Taakulaynta ayaa sheegay inuu si weyn uugu mahadcelinayo Ilaahay SW oo inna waafajiyey taakulaynta walaaladeen, sidoo kale, waxuu sheegay inuu u mahadcelinayo madaxda xukuumada, oo Madaxweynaha JSL Md. Muuse u horeeyo, Madaxweyne-xigeenka Md. Saylici, Goleyaasha qaranka, Baarlamaanka & Deegaanadda, iyo bulshada JSL, sida ay uugu midoobeen, isuguna tashadeen, ee ay ku garab-istaageen walaalahoodii hantidoodu ku baaba’day dabkii suuqa Waaheen.

Sheekh Sacad, ayaa sheegay inuu kula dardaarmayo bulshada Somaliland ee gudaha dalka inay ilaashadaan nabadda & xasiloonida Ilaahay SW dalkooda siiyey, ayna mudan tahay inay uugu mahadceliyaan Alle.

Waxuu kaloo, Sh Sacad sheegay inuu uuga mahadcelinayo cid kastoo kaga qeybqaadatay waxtarka walaalahood dhaqaale, iyo ficil kasta, Ilaahay SW u weydiinayo, inuu ajarkeeda siiyo, miisaankooda xasanaadkana aakhiro uugu kordhiyo, Idamkiisa.

 

 

 

 

Leave a Reply