“Xukuumadda Maanta jirtaa waa Xukuumadii u horraysay ee sameysay Urruro shaqaale rayida”Wasiir Godane

0
272

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda shaqo’gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland, mudane Mustafe Maxamed Cali (Godane), ayaa sheegay in ay tahay xukuumadda maanta jirta tii ugu horraysay ee sameysa urruro shaqaale, isla markaana ay dhaqaale ku bixiso, sameysayna xafiis ka garnaqa shaqeeya iyo loo shaqeeyaha, una yeedha soona fadhiisiya.

Sidoo kale waxa uu xusay in xukuumadda hadda talada dalka haysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ay curisay xeerarka ururada shaqaalaha rayidka ah iyo xeerka shaqaalaha rayidka.

Waxaanu yidhi.“Xukuumadda maanta jirta waa tii ugu horraysay ee sameysa ururo shaqaale, waana xukuumaddii ugu horraysay ee sameysa ururo shaqaale dhaqaalena ku bixisa, waa xukuumaddii u horraysay ee sameysa xafiis ka garnaqa shaqeeya iyo loo shaqeeyaha, una yeedha soona fadhiisisa, tidhaahdana keen xuquuqdii ninkani kugulahaa, may dhicin xukuumaddan ka hor.

Ninka shaqaalaha ahi waxa uu leeyahay meel uu ka dacwoodo, oo uu yidhaahdo toban sano ayaan u shaqeynayay, intaasi oo xuquuq ahbaan ku leeyahay, xafiis u dooda oo xuquuqdooda raadiya ayaa jira manta.

Xukuumaddu waxa ay sameysay xeerkii ururada shaqaalaha rayidka ah oo aanu imika dhammeystirnay, sidoo kale waxa aanu sameynay xeerkii shaqaalah rayidka ah oo wax ka baddel lagu sameeyay, dhammaantoodna sal ay u yihiin horumarinta iyo xuquuq u helista shaqaalaha, marka waxaan is leeyahay waa xukuumaddii ugu wax qabadka badneyd dhinaca shaqaalaha”

 

 

 

Leave a Reply