Kalluunku Waxa uu Leeyahay Habab Fiican oo Loo Isticmaalo

0
395

Kalluunku waa cunto fiican oo laga helo barootiinka iyo nafaqooyin kale oo badan.

Kalluunka waxa ku jira duxda loo yaqaano Omega-3 DHA iyo EPA. DHA waxay caawisaa maskaxda, indhaha iyo dareenwadayaasha uur-ku-jirta iyo koritaanka ilmaha. Haweenayda uurka leh ama naaska jaqsiinaysa, ama haweenayda kale ee uur yeelan karta, waa inay cunto kalluunka si ay u hesho DHA. EPA waa duxda loo yaqaan omega-3, oo caawisa ka hortagga wadne xannuunka.

Ma jirtaa khatar ay leedahay Cunista Kalluunku?

Kalluunka waxa laga yaabaa in ay ku jirto Meerkuri. Kalluunka weyn ee muddo dheer noolaa, ee cuna kalluunka kale ayaa leh meerkurida ugu badan, taasi oo ku sameysanta unugyada kalluunka. Marka aynu cuno kalluunka, meerkurigu ku badan yahay waxa uu ku sameysmayaa jidhkeena. Haddii ay hooyadu uur leedahay ama ay ilmo jaqsiinayso, ama ay uur yeelan karto, waa in ay iska ilaaliso ama marnaba aanay cunin kalluun ay ku badan tahay meerkurigu. Ilmaha uurka ku jira iyo ubadka yar yar ee khatarta ugu jira meerkurigu waxay la kulmi karaan mushkilado waxbarashada, socodka iyo hadalka ah.

Sida ugu haboon ee loo cuni karo kalluunka

Haddii hooyadu uur leedahay ama ay ilmo jaqsiinayso, ama ay uur yeelan karto, haddana way ka faa’iidaysan kartaa inay cunto kalluun haddii ay si taxadir leh u doorato, isla markaana ay cunto kalluuno kala duwan. Waxa kale oo ay kalluun siin kartaa caruurta, balse waa in ay ka ilaaliso kalluun ay ku badan tahay meerkurigu.

Leave a Reply