Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albani ayaa shalay furay shir lagaga hadlayo qorshaha Sannadlaha iyo dardar gelinta shaqada Wasaaradaas.
Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani
oo hadal ka jeediyay furitaankii shirkaas ayaa sheegay in Shirku muhiim u yahay waaxyaha Wasaarada laguna falaqayn doono wixii caqabado ee jira.Waxaaanu yidhi
“Shirkani aad ayuu muhiim ugu yahay waaxyaha Wasaarada,waayo waax waliba waa in ay soo bandhigto wixii Caqabado ee jira.waana in aynu ka doodno xalkeediina keeno,waxaanan rejaynayaa in aynu si fiican ugu falaqayn doono shirkan sidii loo horumarin lahaa shaqada, wixii talo soo jeedina aynu ka Wadahadli doono.waxaanan qodobqodob u hirgelinaynaa wixii Wasaaraddu u xilsaarnayd iyo Caqabadaha taagan sida lagu xalin karo,”.
Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Aadan Cabdilaahi Cabdule oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in shirka lagaga hadli doono hawlaha Wasaarada ee ka shaqaynta Diinta.Waxaanu yidhi”Shirkan ujeedadiisu waxa ay tahay waxaa lagaga hadli doonaa guud ahaan hawlaha Wasaaradda iyo sida lagu gaadhi karo hadafka Wasaaradda,waxaanan u mahadcelinayaa Agaasime waaxeedyada Wasaarada iyo la Taliyeyaasha Wasaarada ee Shirkan ka soo qayb galay muhiim ayay u tahay Wasaaraddu Qaranka Madaama masuuliyadeenu tahay ka shaqaynta Diinta.”.