Wasiirka Diinta oo Furay Shir lagaga hadlayo Dardar Gelinta Shaqa Wasaaraddiisa

0
155

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta  Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albani ayaa shalay furay shir lagaga hadlayo qorshaha Sannadlaha iyo dardar gelinta shaqada Wasaaradaas.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta  Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani
oo  hadal ka jeediyay furitaankii shirkaas  ayaa  sheegay in Shirku muhiim u yahay waaxyaha Wasaarada laguna falaqayn doono  wixii caqabado ee jira.Waxaaanu yidhi

“Shirkani aad ayuu muhiim ugu yahay  waaxyaha Wasaarada,waayo waax waliba waa in ay soo bandhigto wixii Caqabado ee jira.waana in aynu ka doodno xalkeediina keeno,waxaanan rejaynayaa in aynu si fiican ugu falaqayn doono shirkan  sidii loo horumarin lahaa shaqada, wixii talo soo jeedina aynu ka Wadahadli doono.waxaanan qodobqodob u hirgelinaynaa wixii  Wasaaraddu u xilsaarnayd iyo Caqabadaha taagan  sida lagu xalin karo,”.

Sidoo  kale Agaasimaha guud ee Wasaarada  Diinta iyo Awqaafta Aadan Cabdilaahi Cabdule  oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay  in shirka lagaga hadli doono hawlaha Wasaarada ee ka shaqaynta  Diinta.Waxaanu yidhi”Shirkan ujeedadiisu waxa ay tahay waxaa lagaga hadli doonaa guud ahaan hawlaha Wasaaradda iyo sida lagu gaadhi karo hadafka Wasaaradda,waxaanan u mahadcelinayaa Agaasime  waaxeedyada Wasaarada iyo la Taliyeyaasha Wasaarada ee Shirkan  ka  soo qayb galay muhiim ayay u tahay Wasaaraddu  Qaranka Madaama masuuliyadeenu tahay ka shaqaynta Diinta.”.

 

 

Leave a Reply