Halku Dhigayagu waa u Hiili Waaheen 18 ka May.”Guddoomiye Ismaaciil Sandheere

0
293

 

Minnesota(Dawan):- Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee magaalada Minnesota Ismaaciil Axmed Jaamac(Sandheere) ayaa ka hadlay dhaqaalaha ay illaa hadda u uruuriyeen gurmadka masiibadii suuqa Waaheen iyo qorshaha ay doonayaan in ay munaasibadda 18 May dhaqaale kale ugu uruuriyaan gurmadka masiibadii Suuqa waaheen.

Waxaanu tilmaamay in ay illaa imika uruuriyeen adduun gaadhaya ama ku dhaw  hal milyan iyo sadex boqol oo kun oo Dollar isla markaana ay doonayaan in ay sii kordhyaan oo munaasibadda xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May in ay intaa kasii kordhiyaan dhaqaalaha ay ugu gurmanayaan masiibadii Suuqa Waaheen.

Waxaanu tilmaamay in sannadkan hal ku dhigoodu uu yahay 18 May u hiili Waaheen.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska Dawan.

 

Waxaanu yidhi. “masiibadii suuqa Waaheen  horta ALLE waxaan ugu baryayaaa dadkeenii ku hanti waayey suuqii Waheeen in RABBI  wax kheyrqaba ugu cawal yeelo

Intaa kadib waxa gaadhey iyo waxa aynu tarikarnaa waa wax aad u kala badan Lakiin Karankayagiii

gurmadkii aaan u galnay u hiili Waaheen meel ad u wanagsan ayuu noo marayaa waxaanan galinay wakhti badan Masha  ALLAH  RABBI na ha ka abaalmariyo dadkii wiilal iyo hablaba wakhtigooga qaaliga ah Ku tabarucay ee nalagaadhsiiyey meel wacan ayaan umahad calinaya hadaan kuu soo koobo Haa annagu number sare ayaan qabsanay oo ah 1.5 million Laakiin waxaaan ku faraxsanahay illaaa hada in aanu ku dhawnahay 1.3 million waaa number badan Masha Allah waan gaadhaynaaaa guusha aan doonayno insha Allah walina waan ku dhex jirnaa waa iska soo gabagabo wadnaa.

Waxaan  leeyahay gaar ahaaan marka hore reer minnesota happy 18may malintaaa waxaan leeyhay waa malintaaadiii waa malintaydii waa malinteeni aan muujino farxadeeena iyo qaranimadeeena Hala soo wada baxo waana maalintii waaaheeen u hiili hala dareeemo adduunka oo dhan.”

 

 

Leave a Reply