Daanyeer la baxsaday caddeymo muhiim u ah kiis maxkamadeed.

0
1105

Hargeysa (Dawan) Kiis maxkamadeed oo ku saabsan dil sannadkii 2016 ka dhacay dalka Hindiya ayaa dib loo dhigay, kadib markii boolisku sheegeen in caddeymihii ay ururiyeen uu xaday daanyeer, sidaana lagu waayay.

Wargeyska The Times Of India ayaa daabacay in caddeymaha uu xaday daanyeerka ay kamid tahay toori la rumaysan yahay in loo adeegsaday dilka.

Booliska magaalada Jaipur ayaa maxkamadda u diray qoraal uu ku sheegayo in daanyeerka uu la cararay caddeymaha xilli loo waday goob lagu keydin lahaa.

Maxkamadda ayaa horay uga dalbatay booliska inay soo bandhigaan caddeymaha kiiska dil loo geystay nin lagu magacaabi jiray Shashikant Sharma, kaasoo 6 sano ka hor meydkiisa laga helay meel u dhaw saldhigga booliska ee Chandwaji ee magaalada Jaipur.

Leave a Reply