Xuska 18 May: Reer Berbera oo ku dabaal-deggay Fagaare laga sameeyey Xeeliga Badda

0
607

Ciidanka Ilaallada Xeebaha, Booliska, asluubta, dabdamiska iyo Kooxo ururrada shacabka ah, ayaa gaardis ku sameeyey fagaare laga dhisay xeeliga Badda ee magaalada Berbera, goobtasoo loogu talogalay in loogu dabaal-deggo munaasibada sanad guurada 31-aad ee ka soo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay dalka Soomaaliya, halgan dhiig badan ku daadtay kaddib.

Berbera waa mid kamida magaalooyinka laga dheehanayo xilligan midhihii dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu go’aamiyey bishan May 15-keedii 1991-kii Magaalada Burco, lagagana dhawaaqay isla magaaladaasi 18 May.

horumar dhinacyadda dhismaha kaabeyaasha aasaasiga, nololsha bulshada iyo dhaqaalaha ayey ku talaabsatay tobankii sannadood ee u dambeeyey, waxaanay martigelisay mashruuca dhanka maalgelinta ah ee ay Somaliland heshay ee ugu balaadhan, kaasoo ah balaadhinta Dekedda Berbera oo hadda tartan kula jirta marsooyinka dhigeeda ah ee ku yaalla gobolka.
Berbera ayaa looga xusay munaasibada 18 May, si qurux badan oo hab heer sare ah loo agaasimay, waxaanay maamulka gobolka, degmada, masuuliyiinta laamaha kale ee dawladda, xubno kamida golaha Wasiirrada iyo kumanaan shacab ah ay ku dabaal-deggeen barxad weyn oo ku taalla qooriga Badda.

Gaadiidka gaashaaman ee Ciidanka Ilaallada Xeebaha ayaa hogaaminayey bandhigga ay Ciidamadu ku sameeyeen waddooyinka Magaaladaasi.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shacbiga gobolka Saaxil iyo guud ahaan Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibada maalinta qaranka.
Maayarka Degmada Berbera, Badhasaab ku-xigeenka gobolka Saaxil, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale, ayaa kala hadlay halkaasi shacabka isu soo baxa dhigay, waxaanay ka warameen taariikhda iyo astaamaha ay leedahay 18 May.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Berbera waa mid kamida magaalooyinkii lagu qabtay shirarkii nabadeynta iyo heshiisinta Beelaha walaalaha ah ee Somaliland ee loogu gogol-xaadhayey dib ula soo noqoshada madaxbanaanida JSL, waana bogcad ahmiyad weyn u leh Qaranka.

Leave a Reply