Norway oo ogolaatay inay kordhiso qaadhaanka ay kaga qaybqaadato Sanduuqa horumarinta Somaliland

0
379

Qore. Saleebaan Kalshaale

Oslo(Dawan):-Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed iyo Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Abdirisaaq Ibraahim, oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Norway Maxamed Aadan Liinan iyo Xoghayaha Safaaraddaas Cabdirixiin Axmed Ismaaciil, ayaa magaalada Oslo kulan kula yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Norway todobaadkan.

Masuuliyiinta Norway, waxaa ka mid ahaa Ku Xigeenka Agaasimaha Guud My-Elin,Agaasime xigeenka Qeybta Geeska Afrika iyo Galbeedka Afrika Geir Arne Schi  iyo Ergayga gaarka ah ee Norway u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Heid Johnson .

Safiirka Somaliland ee Norway, ayaa markii kulankaasi soo dhammaaday faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha kulankaas lagaga wadahadlay.

“Masuuliyiinta Norway waxaannu ka wadahadalnay, sidii Norway uga caawin lahayd geesta Kalluumaysiga, Jidadka, arrimaha doorashooyinka iyo nabadgelyada Marin-biyoodka Badda cas. Waxa kale oo aannu ka wadahadalnay sidii ay Norway taageero uga geysan lahayd dhismaha Suuqa Waaween ee magaalada Hargeysa ee bilawgii April 2022 gubtay in ay dhaqaale u fidiso caruurta ay saameysa gubashada waaheen ay aan awoodi karin in ay dugsiyadii sii wataan dhaqaale xumi awgeed..” Sidaa ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Norway Ambassador Maxamed Aadan Liinan.

Safiirku waxa uu xusay inay Norway oggolaatay inay kor u qaaddo taageerada ay ku bixiso Sanduuqa SDF, waxaanu yidhi; “Waxaan weydiisannay Norway inay kordhiso qaadhaanka Norway kaga qayb-qaadato Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF. Waanay naga aqbaleen, runtii aad baannu ugu mahad-naqaynaa.”

Waxa kale oo uu Safiirku intaas ku daray in Kulankaas lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha xoojinta xi xidhiidhka labada waddan ee Norway iyo Somaliland oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo, waxaana la isla falanqeeyey qodobbo kala duwan oo labada dalba muhiimad u leh. Isla markaana, waxa kulankaasi ku dhammaaday isfaham iyo guul, sida uu Safiirku sheegay.

Weftiga Wasiirrada ah ee Somaliland, ayaa inta ay ku sugnaayeen dalka Norway, waxay kulammo la yeesheen Masuuliyiin kala duwan iyo sidoo kale Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan Magaalooyinka Oslo Iyo Drammen dalka Norway.

Leave a Reply