Ururrada Siyaasada oo soo Dhaweeyey Ansixinta Guddida Cusub ee Diwaangelinta Ururada

0
677

Furista  Urrurada waa sharci labada xisbi ee Mucaaradka ayaana sababay in doorashooyinkii isa soo galaan”.

 “Shacbiga Somaliland waxaanu ku wargelinaynaa inay u diyaar garoobaan arragti siyaasaddeed iyo isbedel” Garyaqaan M. M. Xaashi

 “Dalku wuxuu u ruqaansaday in aan saddexda xisbi ee hadda jira oo qudhi aanay  u tartamin Doorashada madaxtooyada ee innagu soo fool leh…”Dr. Gaboose

 “In ururrada diiwaangelintoodu bilaabanto lix bilood ka hor wakhtiga Liisanka xisbiyadu dhacayaa, waxay ka dhigan tahay..” C/risaaq Ataaj

Hargeysa (Dawan)- Bulshada Somaliland ayaa soo dhaweeyey ansixinta guddida diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo asxaabta Qaranka oo ay Golaha Wakiilladu cod gacan-taag ah ku meel-mariyeen Isniintii todobaadkan, kaddib markii madaxweynuhu magacaabay, una soo gudbiyey golahaasi.

Daneeyayaasha furida Ururrada, ayaa si mug leh ugu bogaadiyey mudaneyaasha golaha Wakiillada talaabada ay qaadeen, waxaanay ku tilmaameen mid dhabaha u xaadhaysa in la xaqiijiyo xuquuqda siyaasaddeed ee muwaadiniinta doonaysa inay dariiq sharci u maraan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen tartanka hogaaminta waddanka.

Xubno kamida aasaaseyaasha Ururrada siyaasadda ee dalka lagaga dhawaaqay oo dhambaalo kala duwan mariyey warbaahinta, ayaa aragti isku mida kaga dareen celiyey ansixinta aqlabiyadda guddida oo ah shan xubnood.

xubno u hadlay Ururrada SPP (Somaliland People’s party), Barwaaqo, Horseed iyo Waaberi oo kamida kuwa ururrada cusub ee dalka lagaga dhawaaqay sidoo kale shacbiga Somaliland u diray farriin la xidhiidha u diyaar-garowga doorashada Asxaabta, waxaanu ku booriyeen in aanay lumin fursada qaaliga ah ee tobankii sannadoodba mar soo marta ee dhismaha xisbiyo qaran oo cusub.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah hogaamiyaha aasaas-seyaasha urur-siyaasaddeedka Barwaaqo  ayaa ku tilmaamay go’aan farxad iyo guul ah ansixinta guddida diiwaangelinta iyo ansixinta asxaabta Qaranka.

Waxa uu intaasi ku daray in qaranku u ruqaansaday  ama u jahaystay dhabaha diiwaangelinta iyo doorashada  ururrada wixii ka bilaabma maalintii Isniinta, soona afjarmay khilaafkii ka taagnaa doorashooyinka madaxtooyada iyo tan ururrada.

“waxa shalay (Doraad) la ansixiyey intii badnayd ee guddida diiwaangelinta Ururrada oo la filayo inay dhakhso hawshooda u guddo galaan, taasoo ka dhigan in la soo afjaray isfaham la’aantii ka taagnayd Doorashooyinka ee ka dhaxaysay asxaabta mucaaridka, madaxtooyada iyo muwaadiniintii u ololleynayey furida ururrada.

waxaan u hambalyeynaynaa guddida diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta asxaabta shaqada culus ee loo igmaday awgeed, waxaanan alle uga baryaynaa inuu u fududdeeyo xilka xaasaasiga ah ee ay qabtay, iyaguna ay noqdaan kuwo ku sifooba cadaalad iyo hufnaan”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Isago hadalka sii wata waxa uu intaas raaciyey “wixii hadda ka dambeeya wuxuu qaranku u ruqaansaday dhaqan-gelinta xeer lr. 14/2011, kaasoo meesha ka saaraya in saddexdii xisbi ee hadda jiray oo qudha ay u tartamaan Doorashada madaxtooyada ee innagu soo fol leh, sida uu qeexayo Xeer Lr.14 oo dhigaya in lix bilood ka hor xilliga uu dhacayo Liisanka Xisbiyadu la diiwaangelinayo ururrada, lana kala reebo ururrada siyaasadda, waxanay dhaqaajintaasi inagu jahaysay in la soo hor-mariyo doorashada Ururrada”

Sidoo kale, garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi oo kamida hogaanka sare ee aasaas-sayaasha Ururka Shacabka Somaliland (SPP), ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan urur ahaan talaabada hore loogu qaaday sidii dalku u yeellan lahaa xisbiyo qaran oo ka turjuma hanaanka dimuquraadiyaddeed iyo rabitaanka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Garyaqaan Xaashi waxa uu hambalyo u diray xubnaha guddida ee la ansixiyey, waxaanu golaha wakiillada ku bogaadiyey waajibka dastuuriga ah ee ay guteen, isagoo tilmaamay inay urur ahaan la shaqayn doonaan guddida diiwaangelinta ururrada iyo asxaabta.

“Ururka Shacabka Somaliland (Somaliland People’s party) waxa uu si mug leh u soo dhaweynayaa talaabada uu golaha Wakiilladu ku ansixiyey guddida diiwaangelinta ururrada iyo asxaabta Qaranka. waxa kale oo aanu hambalyeynaynaa xubnaha guddida cusub la ansixiyey, waxaanan rajeynaynaa inay dhakhso u guddo geli doonaan hawshooda marka la dhaariyo, kuna shaqayn doonaan cadaalad iyo inay dhex u noqdaan rabitaanka shacabka JSL.

Sidoo kale shacbiga Somaliland waxaanu ku wargelinaynaa inay u diyaar garoobaan sidii ay u dooran lahaayeen arragti siyaasaddeed oo ku dhisan horumar, cadaalad iyo qaranimo loo siman yahay oo aan la kala lahayn, taasoo ah ujeeddooyinka iyo aragtida Ururka SPP”ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyay ansixintii Golaha  Wakiilada ku meelmariyeen xubno ka mida gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada  iyo  Ansixinta Axsaabta qaranka, waxaanu sidii kale sheegay in dib dhaca Doorashooyinka ay sabab u yihiin labada Xisbi mucaarid, isagoo ku amaannay Madaxweynaha furista Ururada Siyaasadd.

“waxaan aan  ku  hambalyaynayaa Xildhibaanadii Baarlamaanka ee ansixiyay guddida  Diwaangalinta Ururrada Siyaasadda, waxaannan rajaynayaa xubnaha dhimana inay si dhakhsaa u ansixiyaan,labada xisbi ee Mucaaradka ayaa sababay in doorashooyinkii oo dhami isa soo galaan,tan Maanta ay qayb ka ahaayeen  muwaadiniinta Ururada ku dhawaaqay haddaanu nahay  toban sanno ayaanu tirsanaynay oo lixda bilood ee ugu dambeeya Ururada la furo.waanu sugaynay waana noo gaadhay Madaxweynaha waanu uga mahadnaqaynaa  in uu sharciga raacay,”.

Mujaahid Cabdilaahi  Dirawal ayaa intaasi ku daray in la saxo arrimaha ka khaldamay hawlaha guddida doorashooyinka “waa  in si degdega  loo saxo wixii ka dhiman guddida  Doorashooyinka.waxa aanu qabnaa in aanu xaq u leenahay  oo aanu qayb ka nahay Shirkasta oo lagaga Wadahadlayo arimaha khilaafaadka taagan.waxaanu  ka codsanaynaa Madaxweynaha in aanay xisbiyadu  kaligood ka shiri karin arimahan taagan ee aanu xaq u leenahay in aanu qayb ka nahay”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waaberi Abdirisaq Ibrahim Ataash, ayaa ku tilmaamay xuquuq dastuuri ah furida ururrada siyaasadda, waxaanu hambalyo iyo duco u diray xubnaha guddida  ee ka gudbay marxalada labaad ee sharciyeynta waajibaadka loo magacaabay.

Waxa uu cadeeyey in Golaha Wakiilladu ansixiyey tiradii badnayd ee guddida oo ku filan inay shaqada loo igmaday bilaabaan, isagoo xubnaha kale ee codka yar ku waayey kalsoonidana uu rajeeyey in deg deg loogu soo celin doono golaha oo la ansixin doono “in tobankii sannadoodba mar la cusboonaysiiyo ruqsada xisbiyada oo ururro lagu tartamaa waxay ka dhigan tahay in dadka hanka leh fursad u helaan. in sida xeerku dhigayo ururrada diiwaangelintoodu bilaabanto lix bilood ka hor wakhtiga Liisanka xisbiyadu dhacayo, waxay ka dhigan tahay haddii aad doonayso in aad dhoofto waa in aad baasaaboor sharciya haysataa, laakiinse haddii uu dhacayo lix bilood kaddib baasboorkaagu fiise kuma qaadan kartid,  markaa annagu waxaanu u aragnaa inay sax tahay in diiwaangelintii ururrada la bilaabo”ayuu yidhi.

Ugu dambeyn, daneeyayaasha siyaasadda ayaa si togan uga falceliyey ansaaxiyada guddida diiwaangelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka, iyadoo si mug leh loogu taageeray madaxweynaha magacaabistooda iyo hawlgelintoodaba.

Dhinaca kale, Siyaasi Cabdilaahi Dahab oo ka mid ah guddoomiyayaasha ururada siyaasadda ee cusub ee dalka lagaga dhawaaqay ayaa sheegay in xisbiyada muraaridku ay dalka la doonayaan qax iyo xabbad, sidoo kalena waxa uu soo dhaweeyay xubnaha guddida diwaangelinta urrurada ee la ansixiyay, waxaanu ku baaqay in xubnaha dhiman la soo buuxiyo sida ugu dhakhsaha badan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “”Mucaaradku qax iyo xabad ayuu inoo waddaa kulmiyena naruuro maaha”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply