Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu soo Dhaweeyay Borama

0
295

Borama (Dawan) Pro. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay soo dhaweynta loo sameeyay, isaga oo u mahadceliyay madaxda gobolka Awdal.

Waxa Prof.   Samatar soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay maamulka Gobolka Awdal iyo ka Degmada Boorama iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu sheegay in meeqamka Somaliland meel ka sarraysa halka hadda ay joogto uu gaadhsiin doono.

Sidoo kale waxa uu u mahadceliyay madaxda dawladd degaanka oo uu sheegay in mudadii uu joogay ay u qaabileen si wanaagsan.

Waxaanu yidhi.“Somaliland marka dabaysheedu ku soo gasho si gooniya ayay u dalacda maskaxda iyo qalbiga, guul ayaynu ka keeni doona Somaliland, dhagaha taaga Somaliland halka ay joogto meel ka sarraysa ayaynu gayn doona, waa wixii la inagu yaqaanay,”

Imaatinka Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ku soo beegmaysa xilli baddi guddida ansixinta ururada siyaasada la ansixiyay, iyada oo la filayo in uu dhawaan urur siyaasadeed iba furo.

 

 

 

Leave a Reply