Gudoomiyaha Baanka dhexe wuu kaga dhabeeyey ballanqaadkiisii waxqabad markuu xilka qabtay

0
404

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Baanka dhexe JSL Eng. Cali Cabdillahi Daahir oo xilka Baanka dhexe la wareegay 19 September 2021, ayaa ballanqaaday inaanu waxba iska bedeli doonin sarifka lacagta Shilinka Somaliland, isla markaana uu ku dedaali doonto sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada Baanka dhexe u fidiyo macaamiishiisa.

Hadalkan oo Eng Cali uu sheegay maalintii uu xilka qabtay, ayaa u muuqda mid sidiisa u hirgalay markaad eegto waxqabadkii Gudoomiyaha muddadii uu xilka hayey oo gaadhaysa 9 bilood.

Eng Cali oo sidoo kale ballanqaaday inuu middeyndoono danaha Baanka dhexe ee JSL iyo baananka gaarka loo leeyahay, danahooda, ayaa u muuqda mid fuliyey, maadama ilaa wakhtigan ay bulshadu aragto wada shaqeynta dhow ee ay wadaagaan labada dhinac.

Waxqabadka hogaanka cusub ee Baanka dhexe oo u horeeyo gudoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo agaasimaha Guud ayaa u jeexay dariiq cusub oo shaqadadii iyo adeegyadii baanka dhexe qaban jiray lagu horumarinayo, marka la eego horumarka ay gaadheen, kana tilmaami karno sida hoos ku qoran;

Waxqabadka u horeeya ee Baanka dhexe waa inuu iskaashi la yeesho baananka dhexe ee wadamadda Jaararka iyo kuwa caalamka, si hadafkaa loo gaadhana waxuu Gudoomiye Eng Cali socdaalo ku tegay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti uu kula soo yeeshay madaxda Baananka dhexe, isla markaana isla soo gaadheen heshiisyo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya, waxa sidoo kale booqasho ku yimi dalka madax ka socotay baananka jaararka.

Sidoo kale, horumarinta adeegyada baanka dhexe waxa muhiim u ah aqoon-korodhsiga hawlwadeenada baanka, sit aa loo gaadhana, madaxda baanka dhexe waxa fuliyeen tababaro kala duwan oo sare loogu qaadayo aqoonta iyo khibradooda, oo gudaha dalka lagu qabtay, waxa kaloo loo qorsheeyey inay dalalka jaararka ku soo qaataan tababaro.

Waxa kaloo madaxda baanku diyaariyeen shuruucdii furaha u ahayd shaqada baanka dhexe iyo baananka ka sii farcama, iyadoo la kordhiyey xarumaha baanka dhexe ku yeelanayo gobolada dalka, oo qaarkood dhamaadeen, kuwo kalena dhismahoodu socdo.

Baanka dhexe ee JSL, isagoo fulinaya siyaasada Madaxweynaha ee kobcinta dhaqaalaha, waxuu bilaabay inuu maalgelin siiyo hawlwadeenada dawladda, taasoo kaalin weyn ka qaadanaysa heerkooda nolosha.

Waxuu sidoo kale, u fidiyey maalgelin ay ku fuliyaan adeegyadda ay bulshada u qabtaan dhamaan goleyaasha deegaanada dalka, oo wakhtigan isbedelada ka muuqda loo nisbayn karo fursada uu siiyey baanka dhexe.

Isku soo wada duuboo, waxaan odhan karnaa, bulshada Somaliland way u muuqataa in madaxda Baanka Dhexe ay fuliyeen ballanqaadkoodii ay bulshada u qaadeen, waxaana laga rajeynayaa inay sii balaadhiyaan waxqabadkooda.

 

 

Leave a Reply