Markii odayga iyo wiilkiisa oo 25 sanno jir ahi ay tareenka raaceen aad ayuu wiilku u faraxsanaa. Markii uu dhaqaaqay tareenku waxa uu ku yidhi aabihii: “Aabo waa sidee dhirtii ayaa ordaysee?” Haddana xayawaano ayuu arkay, aabo waa maxay waxan kale ? Dumar agtiisa fadhiyay ayaa u adkysan waayay wiilka, oo odaygii ku yidhi: “ Inanka maxaad u geyn weyday dhakhtar haddiii u sidan u buko ?
Odayga ayaa ku jawaabay “Hadda ayaanu ku soconaa dhakhtarka, waayo wiilkaygani imika ayuu wax arkay weligii, hore wuu indha la’aa! Wakhtiyo badan waxaynu la degdegaynaa su’aal, inagoo dhaawacayna dadka kale”.