Dileyaasha Kubadda Cagta ee la Joojin Kari Waayey Xiili-ciyaareedkii Tegay Ee 2021/22

0
490

Afartan ciyaartoy oo laba kastaaba ay isku koox yihiin, si kale marka loo dhigana 20 lamaane ah ayaa xilli ciyaareedkii tegay goolashii ugu badnaa ka dhaliyey horyaallada waaweyn ee qaaradda Yurub, kuwaas oo qaarkood ay u suurtogashay in goolashoodu ay koobab u gooyaan, kuwo kalena ay faro-madhnaan ku dhamaysteen.

Lamaanaha Real Madrid afka hore uga wada ciyaara ee Karim Benzema iyo Vinicius Junior ayaa ahaa dileyaashii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii 2021/22, waxaanay kooxdooda u qaadeen horyaalka LaLiga iyo Supercopa de Spana, haddana waxay taagan yihiin finalka Champions League.

Horyaalka ayaa waxay ku dhamaysteen iyaga oo 13 dhibcood ka sarreeya kooxda kusoo xigtay, kaddib markii ay soo afjareen xurguf dhexdooda taallay bishii October 2020 oo kulankii Borussia Monchengladhch uu Karim Benzema u sheegay Ferland Mendy in aanu kubadda u baasin Vinicius Junior oo uu ku eedeeyey inuu yahay khasaare kooxda kale u ciyaaraya.

Labadan ciyaartoy ayaa waxay isugeyn ka qayb-qaateen 69 gool oo ay kooxdoodu ka dhalisay horyaalka  LaLiga. Benzema ayaa 27 gool saxeexay, kuna daray 12 caawimood, halka Vinicius Junior uu dhaliyey 17 gool 13 kalena caawiyey.

Waxa ku xiga oo dileyaasha labaad ee ugu fiicnaa ahaa xiddigaha PSG ee Kylian Mbappe iyo Neymar Jr oo 66 gool oo ay kooxdoodu dhalisay ka qayb-qaatay. Mbappe waxa uu saxeexay 28 gool iyo 19 uu caawiye ka noqday, halka Neymar uu 13 dhaliyey, 6 na caawiyey.

Kaalinta saddexaad ayay fadhiyaan xiddigaha Bayern Munich ee Robert Lewandowski iyo Serge Gnabry oo booska kala baxay Thomas Muller oo ahaan jiray xiddiga soo raaca Lewandowski.

Halkan kaga bogo 20kii dilaa ee lamaaneyaasha ahaa ee ugu fiicnaa shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub xilli-ciyaareedkii 2021/22

  1. AS Roma, Tammy Abraham & Lorenzo Pellegrini – 35 gool ayay ka qayb-qaateen

Abraham (17 gool ayuu dhaliyey, 4 kalena wuu caawiyey| Pellegrini (9 gool ayuu dhaliyey, 5 assists)

  1. OGC Nice, Andy Delort & Amine Gouiri – 37 gool ayay ka qayb-qaateen

Delort (16 gool ayuu dhaliyey, 2 kalena wuu caawiyey| Gouiri (10 gool ayuu dhaliyey, 9 assists)

  1. Leicester City, Jamie Vardy & James Maddison – 37 gool ayay ka qayb-qaateen

Vardy (15 gool ayuu dhaliyey, 2 kalena wuu caawiyey| Maddison (12 gool ayuu dhaliyey, 8 assists)

  1. Manchester United, Cristiano Ronaldo & Bruno Fernandes – 37 gool ayay ka qayb-qaateen

Ronaldo (18 gool ayuu dhaliyey, 3 kalena wuu caawiyey| Fernandes (10 gool ayuu dhaliyey, 6 assists)

  1. Manchester City, Kevin De Bruyne & Raheem Sterling – 42 gool ayay ka qayb-qaateen

De Bruyne (15 gool ayuu dhaliyey, 8 kalena wuu caawiyey| Sterling (13 gool ayuu dhaliyey, 6 assists)

  1. Hellas Verona, Giovanni Simeone & Gianluca Caprari – 42 gool ayay ka qayb-qaateen

Simeone (17 gool ayuu dhaliyey, 6 kalena wuu caawiyey| Caprari (12 gool ayuu dhaliyey, 7 assists)

  1. Lyon, Moussa Dembele & Karl Toko Ekambi – 42 gool ayay ka qayb-qaateen

Dembele (21 gool ayuu dhaliyey, 4 kalena wuu caawiyey| Toko Ekambi (12 gool ayuu dhaliyey, 5 assists)

  1. Inter Milan, Lautaro Martinez & Edin Dzeko – 44 gool ayay ka qayb-qaateen

Martinez (21 gool ayuu dhaliyey, 3 kalena wuu caawiyey| Dzeko (13 gool ayuu dhaliyey, 7 assists)

  1. Rennes, Martin Terrier & Gaetan Laborde – 45 gool ayay ka qayb-qaateen

Terrier (21 gool ayuu dhaliyey, 4 kalena wuu caawiyey| Laborde (12 gool ayuu dhaliyey, 8 assists)

  1. Sassuolo, Gianluca Scamacca & Domenico Berardi – 48 gool ayay ka qayb-qaateen

Scamacca (16 gool ayuu dhaliyey, 0 kalena wuu caawiyey| Berardi (15 gool ayuu dhaliyey, 17 assists)

  1. RB Leipzig, Christopher Nkunku & Andre Silva – 49 gool ayay ka qayb-qaateen

Nkunku (19 gool ayuu dhaliyey, 15 kalena wuu caawiyey| Silva (10 gool ayuu dhaliyey, 5 assists)

  1. AS Monaco, Wissam Ben Yedder & Kevin Volland – 50 gool ayay ka qayb-qaateen

Ben Yedder (25 gool ayuu dhaliyey, 5 kalena wuu caawiyey| Volland (9 gool ayuu dhaliyey, 11 assists)

  1. Lazio, Ciro Immobile & Sergej Milinkovic-Savic – 52 gool ayay ka qayb-qaateen

Immobile (27 gool ayuu dhaliyey, 3 kalena wuu caawiyey| Milinkovic-Savic (11 gool ayuu dhaliyey, 11 assists)

  1. Bayer Leverkusen, Patrik Schick & Moussa Diaby – 54 gool ayay ka qayb-qaateen

Schick (24 gool ayuu dhaliyey, 5 kalena wuu caawiyey| Diaby (13 gool ayuu dhaliyey, 12 assists)

  1. Borussia Dortmund, Erling Haaland & Marco Reus – 56 gool ayay ka qayb-qaateen

Haaland (22 gool ayuu dhaliyey, 8 kalena wuu caawiyey| Reus (9 gool ayuu dhaliyey, 17 assists)

  1. Liverpool, Mohamed Salah & Sadio Mane – 57 gool ayay ka qayb-qaateen

Salah (23 gool ayuu dhaliyey, 14 kalena wuu caawiyey| Mane (16 gool ayuu dhaliyey, 4 assists)

  1. Tottenham Hotspur, Heung-min Son & Harry Kane – 58 gool ayay ka qayb-qaateen

Son (23 gool ayuu dhaliyey, 9 kalena wuu caawiyey| Kane (17 gool ayuu dhaliyey, 9 assists)

  1. Bayern Munich, Robert Lewandowski & Serge Gnabry – 59 gool ayay ka qayb-qaateen

Lewandowski (35 gool ayuu dhaliyey, 4 kalena wuu caawiyey| Gnabry (14 gool ayuu dhaliyey, 6 assists)

  1. Paris Saint-Germain, Kylian Mbappe & Neymar – 66 gool ayay ka qayb-qaateen

Mbappe (28 gool ayuu dhaliyey, 19 kalena wuu caawiyey| Neymar 13 gool ayuu dhaliyey, 6 assists)

  1. Real Madrid, Karim Benzema & Vinicius Junior – 69 gool ayay ka qayb-qaateen

Benzema (27 gool ayuu dhaliyey, 12 kalena wuu caawiyey| Vinicius (17 gool ayuu dhaliyey, 13

Leave a Reply