Wiil 16 jir ah oo doonaya in uu dunida oo dhan ku soo wareego

0
271

Hargeysa  (Dawan) – Wiil 16 jir ah oo arday ah ayaa doonaya in uu noqdo qofka ugu da’da yaraa oo isagoo keligiis ah ku safra adduunka oo dhan ayaa Arbacadii la soo dhaafay diyaaradii uu watay ka soo dejiyay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Mack Rutherford, oo haysta dhalashada Ingiriiska iyo Belgiamka, ayaa socdaalkiisa ka bilaabay meel u dhow caasimadda Bulgaria ee Sofia bishii Maarso, waxaana uuna doonayaa inuu ku guuleysto rikoorka Guinness World oo uu hadda haysto Travis Ludlow, oo ay isku waddan kasoo jeedaan, kaasoo 18 jir ahaa markii uu sannadkii hore 2021 dhameeyay safar uu dunida oo dhan ku soo maray.

Wilkan oo ka soo jeeda qoys duliyayaal ah ayaa sheegay in uu wadista diyaardaha bilaabay isagoo 7 sano jir ah.

Leave a Reply