Xikmad

0
496
  • Ardaygu ma’aha weel la buuxinayo, laakiin waa shamac ay tahay in la shidayo.
  • Nafta haddii aan waxa lagu mashquulin, Adiga ayay ku mashquulisaa
  • Niyad jabka waxa ka mid ah in ididiilooyinka waaweyn aad ku xidho arrimo liita.
  • Hadii uu dhakhtarku dadka ku wada dawayn lahaa hal daawo, badankoodu way dhiman lahaayeen.
  • Dhaqanka qofka jaahilka ah waa inuu jawaabo isagoon dhegaysan hadalka, waana inuu diido isagoon fahmin, arinka. Waana inuu xukun rido isagoon garnayn waxa uu xukumay
  • Weligaa ha samayn wax aanu damiirkaagu ogolayn, xitaa haddii duruuftu kugu
  • Maaha arrin xun inaad samayso adigoo ciqaabka madaxda ka baqanaya isla markaana abaal marin raba. U same wanaag sida aad dadka wanaagsan uga mid noqoto.
  • Haddii aad arrin fasiri kari weydo macno ahaan waa in aanad si buuxda u fahmin.
  • Wax ka baro wixii ku soo maray, la noolow maalmahaaga, diyaar u noqo berri iyo waxa iman doona.
  • Xooga is muquuniinta waa dhaqanka dadka xun.

 

Leave a Reply