Qabyaaladda oo la hubo inay tahay mabda’ la aamino iyo cabbir wax lagu saleeyo kan ugu liita, ugu natiijada xun, mar kalena ugu anafada darran, isla markaana aan hoog mooyee wax khayr ah lagu gaadhin, ayaa loo aanneeya inay tahay cudurka curyaamiyey umadda Soomaaliyeed dhaaxa iyo joogtaba, kuna sii dherernaan doonta dhabaha mustaqbalkeeda, haddanay is-daba qabateyn oo aanay maado kale uga leexan isku-miidaaminta, isku-muquuninta iyo isku-muuqashada reer hebelnimada, una deyn abtirsiinta isku aqoonsiga ehelliyada iyo wanaag iyo wadiiqo saxa laysgu kaashado, sida uu Illaahay innagu faray qur’aanka Kariimka ah.
Waa hubaal inay Soomaalidu hore iyo diba uga dhacday, intii adduunku ku tartamayo awood dawladnimo, aqoon, cudud dhaqaale, wax-soo-saar iyo hal abuur, sababta dib u ridayna qabyaaladdu waxay u tahay udub-dhexaad samaystay tobanaan farraar oo mid waliba caabuq ku noqday horumarinta danta guud ee la wada leeyahay, is aaminaadii iyo guud ahaan quwaddii ku dhismi lahayd Iskaashiga umadnimo.
Innaga Jamhuuriyadda Somaliland oo 31 sanno Dawlad ahayn, isla markaana dhiganay dastuur iyo xeerrar sugaya u-sinaanta muwaadiniinta ee dhamaan xuquuqaha aasaasiga ah, xukunka iyo xaqa lahaanshiyaha dal aan qofna qof ka lahayn khayraadkiisa iyo ku noolaanshiyihiisa, bal eeg halka ay bahasha qabyaaladdu innala marayso maanta oo aynu wali ku jirno halgan siyaasaddeed oo aynu doonayno inay kaga mid noqono goleyaasha adduunku wax ku qaybsado, Soomaalida kalena hadalkeedaba daa, waayo? iyagu umaba bilowna nidaam iyo qorshe ay kaga gudbi karaan dhibaatooyinka maamul-xumada, qabiilaysiga iyo qalaalasaha.
Haddaba Qabyaalladu maaha wax cusub oo iminka ama dhawaan gal ku ah Soomaalida, hase yeeshee waxay ahayd mushkilad soo taxnayd wakhti dheer, mar walbase loo guntanaa sidii meesha looga saari lahaa oo ay wacyigelinteeda u heellanaayeen dad waddaniyada iyo midnimada umadda jeclaa oo ay kamid ahaayeen hal abuurka ama gabyaaga oo kaalin wax-sheegnimo oo lexaadle ugu jira waaninta samaha iyo wacaal-waranka hadba wacyiga joogga.
Sidaas awgeed, ayaa innagoo ku dabaqayna qormadeena todobaadka ee dhaqanka iyo suugaanta xaalada dalku marayo ee dhanka siyaasadda, oo aynu arkayno qabyaaladda iyo dhawaaqyada naxliga, nabad-gelyo darrada iyo nacaybka abuuraya ee bulshada kaga soo burqanaya fagaaraha siyaasadda, iyadoo waxyaabaha yaabka yaabkiisa ahina ay yihiin in madaxdii asxaabta qaranka ee hogaaminta umadda isu-shirabayey ay shacbiga ugu baaqayaan hadallo qabyaalad iyo qardoofo leh, waxa aynu dib isu xasuusinaynaa, iskuna baraarujinaynaa mid kamida gabayada foollaadka u ah hawraarta dabar-goynta qabyaaladda.
Alle ha u naxariisto’e Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde dagaal aan hakad lahayn ayuu ku qaaday qabyaaladda intii uu noolaa oo haddii aad gabayadiisa u dheg taagto waxa kuu soo baxaysa sida uu Timacadde qabyaaladda uga madax bannaanaa.
Bal aynu wada dhuuxno oo wax ku qaaddano tixdiisan soo socota ee “Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”kaasoo sida meeriskan ka muuqata ama ka dhadhamaysa micnaha weyn ee uu xambaarsan yahay la rumaysan yahay in aanay jirin tix kale ama weedh kale xigasho iyo xigmadsho midkoodba loogu cabiro dheefta iyo dhibaatada qabyaaladdu.
waxaanu yidhi:
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede.
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye.
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darran doorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye.
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye.
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye.
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye.
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane.
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa ways kala dhacdaa daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye.
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.