Saddexda Kooxood ee Waaweyn ee ku Dagaallamaya Xiddiga Reer Brazil ee Richarlison

0
343

Xiddiga reer Brazil ee Richarlison ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu ka tago Everton xagaagan, waxaana durba hanqalka lasoo kacay saddex kooxood oo waaweyn oo reer Yurub ah oo u diyaar ah inay laacibkan dalabyo ka gudbiyaan.

Ka dib xilli ciyaareed ay kooxdiisu ku dhibaatootay horyaalka Premier League oo ay si dirqi ah kaga badbaadeen inay heerka labaad u dhaadhacayaan, Richarlison ayaan doonayn inuu mar kale mushkiladdii oo kale kusii dhex jiro, waxaanu go’aansaday inuu soo afjaro waqtigiisii Toffees, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Laacibkan ayaa doonaya inuu ku guuleysto koobab, ugamana muuqato inuu hamigaas ku rumayn karayo kooxdiisa Everton. Sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, Richarlison ayaa dhaliyey lix gool mid kalena caawiye ka noqday, waana xiddiga sababta u ah in Everton ay kusii negaato horyaalka Premier League oo afar kooxood oo kali ahi ka hooseeyeen.

Qandaraaska uu kula jiro Everton ayay ka hadhsan yihiin laba sannadood, waxaana ka go’an Frank Lampard inuu laacibkan kusii hayo Goodison Park, hase yeeshee Richarlison ayaa isagana uu go’aankiisu yahay in aanu xilli ciyaareed kale sii joogin kooxdan.

25 jirkan oo rajaynaya inuu qayb ka noqon doono xulka qaranka Brazil ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan lagu qaban doono waddanka Qatar, waxa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo horyaallada kala duwan ee Yurub ah, waxayse tirada ugu badan yihiin naadiyo ka dhisan Ingiriiska oo ay kooxdiisa Everton ku xafiiltamaan horyaalka Premier League, sida Manchester United oo si dhow ula socota xaaladdiisa.

Hase yeeshee saddexda kooxood ee Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Tottenham ayaa iyaguna doonaya laacibkan, waxaanay diyaar u yihiin inay xagaagan ka gudbiyaan dalabyo iyaga oo waliba ka faa’iidaysanaya dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ee haysata Everton.

Leave a Reply