Anafada qabyaallada iyo Ereygii Timo-cadde

0
323

Qabyaaladda oo la hubo inay tahay mabda’ la aamino iyo cabbir wax lagu saleeyo kan ugu liita, ugu natiijada xun, mar kalena ugu anafada darran,  isla markaana aan hoog mooyee wax khayr ah lagu gaadhin, ayaa loo aanneeya inay tahay cudurka curyaamiyey umadda Soomaaliyeed dhaaxa iyo joogtaba, kuna sii dherernaan doonta dhabaha mustaqbalkeeda, haddanay is-daba qabateyn oo aanay maado kale uga leexan isku-miidaaminta, isku-muquuninta iyo isku-muuqashada reer hebelnimada, una deyn abtirsiinta isku aqoonsiga ehelliyada iyo wanaag iyo wadiiqo saxa laysgu kaashado, sida uu Illaahay innagu faray qur’aanka Kariimka ah.

Waa hubaal inay Soomaalidu hore iyo diba uga dhacday, intii adduunku ku tartamayo awood dawladnimo, aqoon, cudud dhaqaale, wax-soo-saar iyo hal abuur, sababta dib u ridayna qabyaaladdu waxay u tahay udub-dhexaad samaystay tobanaan farraar oo mid waliba caabuq ku noqday horumarinta danta guud ee la wada leeyahay, is aaminaadii iyo guud ahaan quwaddii ku dhismi lahayd Iskaashiga umadnimo.

Innaga Jamhuuriyadda Somaliland oo 31 sanno Dawlad ahayn, isla markaana dhiganay dastuur iyo xeerrar sugaya u-sinaanta  muwaadiniinta ee dhamaan xuquuqaha aasaasiga ah, xukunka iyo xaqa lahaanshiyaha dal aan qofna qof ka lahayn khayraadkiisa iyo ku noolaanshiyihiisa, bal eeg halka ay bahasha qabyaaladdu innala marayso maanta oo aynu wali ku jirno halgan siyaasaddeed oo aynu doonayno inay kaga mid noqono goleyaasha adduunku wax ku qaybsado, Soomaalida kalena hadalkeedaba daa, waayo? iyagu umaba bilowna nidaam iyo qorshe ay kaga gudbi karaan dhibaatooyinka maamul-xumada, qabiilaysiga iyo qalaalasaha.

Haddaba Qabyaalladu maaha wax cusub oo iminka ama dhawaan gal ku ah Soomaalida, hase yeeshee waxay ahayd mushkilad soo taxnayd wakhti dheer, mar walbase loo guntanaa sidii meesha looga saari lahaa oo ay wacyigelinteeda u heellanaayeen dad waddaniyada iyo midnimada umadda jeclaa oo ay kamid ahaayeen hal abuurka ama gabyaaga oo kaalin wax-sheegnimo oo lexaadle ugu jira waaninta samaha iyo wacaal-waranka hadba wacyiga joogga.

Sidaas awgeed, ayaa innagoo ku dabaqayna qormadeena todobaadka ee dhaqanka iyo suugaanta xaalada dalku marayo ee dhanka siyaasadda, oo aynu arkayno qabyaaladda iyo dhawaaqyada naxliga, nabad-gelyo darrada iyo nacaybka abuuraya ee bulshada kaga soo burqanaya fagaaraha siyaasadda, iyadoo waxyaabaha yaabka yaabkiisa ahina ay yihiin  in madaxdii asxaabta qaranka ee hogaaminta umadda isu-shirabayey ay shacbiga ugu baaqayaan hadallo qabyaalad iyo qardoofo leh, waxa aynu  dib isu xasuusinaynaa, iskuna baraarujinaynaa mid kamida gabayada foollaadka u ah hawraarta dabar-goynta qabyaaladda.

Alle ha u naxariisto’e Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde dagaal aan hakad lahayn ayuu ku qaaday qabyaaladda intii uu noolaa oo haddii aad gabayadiisa u dheg taagto waxa kuu soo baxaysa sida uu Timacadde qabyaaladda uga madax bannaanaa.

Bal aynu wada dhuuxno oo wax ku qaaddano tixdiisan soo socota ee “Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”kaasoo sida meeriskan ka muuqata ama ka dhadhamaysa micnaha weyn ee uu xambaarsan yahay  la rumaysan yahay in aanay jirin tix kale ama weedh kale xigasho iyo xigmadsho midkoodba loogu cabiro dheefta iyo dhibaatada qabyaaladdu.

waxaanu yidhi:

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede.

Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye.

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darran doorriyuu duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye.

Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin

Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade

Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye.

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye.

Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa

Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane.

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa ways kala dhacdaa daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye.

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

 

 

Leave a Reply