Gobolka Maroodi Jeex Kama Dhici Karaan Wax Khatar Ku ah Amniga”

0
611

 

Hargeysa (Dawan)- Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Mudane Maxamed Cilmi ayaa sheegay in gobolka aanay ka dhici karin wax amniga Khatar ku ah, isla markaana gacan bir ah lagu qaban dooni cid kasta oo isku dayda in ay fadqalalo iyo ammaan darro ka samaysa.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Mudane Maxamed Cilmi, sidoo kale waxa uu sheegay in gobolka Maroodi-jeex aanay ka dhici karin wax mudaharaado ah oo aan loo marin sifa sharciga ah, waxaanu baaq u dirqay hoggaanka labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Mudane Maxamed Cilmi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waad ogtihiin oo beryahan waxaa socday abaabul iyo kicin dadweyne oo ay wadeen xisbiyada Mucaaridku, waxaynu ogayn in maalin dhawayd ay shir jaraa’id ku qabteen wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland horteeda iyaga oo bulshada u sheegaya in loo ogolaaday in ay sameeyaan mudaharaad isla markaana ay u ogolaatay wasaaradda arrimaha guduhu. Ismaan lahayn masuuliyiin ayaa been itaa leeg sheegaya, waanad ogaydeen oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu qabtay shir jaraa’id warqadna wuu soo saaray uu ku sheegayo in aanay jirin mudaharaad la isla meel dhigay, isla markaana aanay jirin warqad ka soo baxday wasaaradda oo loogu ogolaanayo mudaharaad.”

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Mudane Maxamed Cilmi sidoo kale waxa uu baaq u diray xisbiyada Mucaaridka waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa xisbiyada Mucaaridka waxaynu ku jirnaa wakhti adag, waxaa jira sicir barar, wali dalka waxaa ka taagan abaaro, markaa uma baahnin buuq iyo rabshad, dalku wuxuu leeyahay dastuur iyo xeerar, waxa la isku qanciyaa waxa weeye dastuurka iyo shuruucda iyada oo hoos loo dhigayo aflagaada, abaabulka iyo kicinta bulshada, markaas ayaa la gaadhi karaa go’aan oo la heshiin karaa, xukuumadduna diyaar ayay u tahay wixii sharci iyo wada hadal ah.”

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Mudane Maxamed Cilmi waxa uu ku dhaliilay xisbiyada mucaaridku in ay ka dhago-adaygeen shuruucdii dalka waxaanu yidhi “Xisbiyada mucaaridka waxaan leeyahay waxaad ka dhego-adaygteen shuruucdii dalka, waxaad ku tumanaysaan dawladnimadii iyo nidaamkii, taasina waxay keenaysaa in aad jawaab heshaan. Waxaannu la soconaa in aad sharcigii ka dhego-adaygteen, inaad samayseen guddi aad u bixiseen guddida abaabulka. Maanta laga bilaabo guddidaas waxaanu u aqoonsanaynaa guddida kicinta iyo abaabulka amni-darrada.”

 

 

 

 

 

Leave a Reply