“Mudaharaad Xal ma Keenayo” Maayarka Caasimadda

0
474

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka horyimid mudaharaadka ay xisbiyada mucaaradku abaabulayaan, waxaanu soo jeediyay in madaxda axsaabta siyaasadu ay miiska wadahadalada kusoo noqdaan, oo ay ka arrinsadaan qodobada laysku hayo balse aan umada laysku soo saarin.

Waxaanu yidhi.“Waxaan u qabaa uun in la wada hadlo bulshana aan la isu soo saarin ee saddexda xisbi ee arrintani khusayso inta ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka inay xal ka gaadhaan arrimaha la isku hayo ayaan soo jeedinayaa.”

Waxa kale oo uu sheegay in mudaharaadku aanu xal u noqon doonin khilaafka siyaasadeed. Waxaanu yidhi.”Hadiiba mudaharaadku uu dhaco miyuu keenayaa xal, oo maalin la mudaharaaday miyay xal u noqonaysa arrimaha laysku hayo, markaa jawaabtu waxay noqonaysa, waa maya weeyi.

Xeer ayaa qeexaya sida loo codsado mudaharaad, cidda leh aqbalaada iyo diidmada, codsi mudaharaad, balse su’aashu waxa ay tahay miyay xal u noqonaysa arrimaha la isku hayo jawaabtu waxa ay tahay maya, marka jidka kaliya ee xisbiyada u furina waa in ay wada hadlaan, inay sharci ku kala baxaan weeyi, in golaha guurtida iyo cidkasta oo isu soo dhaweyn karta asxaabta Qaranka ay isu soo dhaweeyaan.”

Waxaanu soo jeediyay in madaxda axsaabta siyaasadu ay miiska wadahadalada kusoo noqdaan, khilaafkana is afgarad lagu dhammeeyo.

Waxaanu yidhi.“Marka aniga waxa ay ila tahay xalku waxa uu ku jira in la isu soo dhawaado, lana wada hadlo, arrimaha la isku hayana xal laga gaadho, Somalilandna waxa ay dunida kale kaga duwan tahay wada hadalka iyo isu tanaasullka”.

Duqa ayaa sheegay in uu isagu masuul ka yahay horumarka iyo nabadgalyada Hargaysa, oo uu gacana abniga kaga shaqayno midna horumarka. “Aniga maayar ahaan waxa isaaran horumarka Hargaysa, nabadgalyada Hargaysa iyo in dadkeedu ay ku noolaadaan nabad, oo ay ku noolaadaan walaalnimo”.

 

 

 

 

 

“Gobolka Maroodi Jeex Kama

Leave a Reply