Adeeg Bixinta Caafimaadka Gobolka Awdal oo kor u Kacay

0
493

Borama (Dawan) Isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ee gobolka Awdal, Dr. Mustafe Xuseen Aadan, ayaa sheegay in gobolka Awdal leeyahay xarumo caafimaad oo ku filan, isla markaana leeyahay 46 xarumo caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah, 26 xarumo daryeele oo ka jira tuulooyinka iyo 5 cisbitaal oo waa weyn, guud ahaana gobolka xaaladiisa caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay.

Waxaanu sidan ka sheegay wareysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay bahda wargeyska Dawan.

Sidoo kale waxa uu xusay inay jiraan xannuuno ay sababtay abaarta gobolka, sida Jadeecada, Shuban biyoodka, nafaqo darada iyo waliba TB-da.

Waxaanu sidan ka sheegay wareysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay bahda wargeyska Dawan. Waxa uu sigaara ugu mahad celiyay bulshaweynta gobolka Awdal gudo iyo dibedba, oo uu sheegay in ay si isxilqaan ah u soo iibsadeen mishiin Oxygen dhaliye ah oo ka fiican kii ay hore u haysteen, waxaanu intaas ku daray in ay abaal weyn ugu hayaan bulshada sida ay markasta u garab taagan yihiin adeeg bixinta caafimaad ee degmada Borama iyo degaanada hoos yimaada.

Waxaanu yidhi.“Gobolka Awdal waxa uu leeyahay 46 xarumo caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah, 26 xarumo daryeele oo ka jira tuulooyinka iyo 5 cisbitaal, guud ahaana gobolka xaaladiisa caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, waxyaabaha gobolka aadka u sii caawiyay waxa ka mida ardayda baratay mihnada adeeg bixinta caafimaadka ee sannadkasta jaamacadaha gobolka Awdal ka soo baxaya,”

Isu’duwe Dr. Mustafe waxa uu hoosta ka xariiqay in xannuunka Covid-19 iyo dagaalka Yugrayn ay sameyn ku yeesheen adeeg bixintii caafimaad ee Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Xannuunkii Covid-19 iyo dagaalka Yugreyn saameyn taban ayay ku yeesheen xaalada caafimaad ee Somaliland, wasaaraddu adeeg bixintii caafimaadka way haysa balse wixii hay’addaha inaga taageera adeeg bixinta caafimaadku ay inagu darsanayeen ayaa meesha ka baxay,”

Wax kale oo uu ka hadlay xannuuno ka dhashay abaarta baahsan ee ka jirta gobolka Awdal iyo degaanada hoos yimaada.

Waxaanu yidhi.“Marka xaalad abaareed dhacdo xannuunaduna way weheliyeen, xannuunada hadda ugu daranina waa Nafaqadarro, Jadeeco, TB, ahna xannuunada ka faa’idaysta marka qofka tamartiisu hoos u dhacdo, sababto ah qofku marka uu waayo wax uu cuno iyo wax uu cabo ayay dhacaysa,”

Waxa uu intgaas raaciyay in hadda gobolka xaalad Shuban biyood ay ka jirto, balse aanay gaadhin xilli qaylo dhaan laga diro.

Waxaanu yidhi.“Gobolka Awdal haddadan aan idinla hadlayo waxa ka jira shuban biyood, inkasta oo aanu heer qaylo dhaan laga diro aanu gaadhin, hadda meelkasta waxa laga soo sheegaya in uu shuban biyood ka jiro, hawgu horreeyaan afarta degmo ee aan idiin soo sheegayba, shuban biyoodkana waxa keena abaarta”

Dhanka kale waxa uu si gaara isu dultaagay tirade guud ee dadka xaalada nafaqadarada ee halista ahi ay haleeshay saddexdii bilood ee u danbeeyay.

Waxaanu yidhi.“Gobolka Awdal xaalada nafaqo darridu dadka ay haleeshay saddexdii bilood ee u daneebayay waxa ay noqotay 11-kun oo qof, xaalada aadka u liidatana waxa ahaa kun iyo laba boqol iyo laba iyo lixdan qof, way kordhaysa warbixintana bulshada bishan haddii ILLAAHEY yidhaahdo ayaanu la wadaagi doonaa, tirada guud ee dadka la baadhayna waxa ay ahayd 40 kun, in kun iyo laba boqol iyo laba iyo lixdan laga helaa waa wax aad u badan, iyada oo ay saddex jibaarantay xaalada nafaqadarada ee gobolka ka jirta wixii lagu daweynayayna meesha way ka baxeen, oo hay’adda WFP oo ahayd ta keenaysay daaweynta nafaqo darada, waxay tidhi ‘Yugreyn ayaa dagaal ka socda, guud ahaan Somaliland wax aanu u hayna ma jiraan, bixitaanka ay meesha ka baxday wixii bulshada lagu daweynayay waxa ay sii kordhin doonta, buskudkii iyo raashinkii la siinayay ee nafaqadarad qofka kor u soo qaadayay ayaa meesha ka baxay in nafaqadaradi jirtay ay bishan inta ka sii badato,”

Dr. Mustafe waxa uu intaas ku daray in dadka hadda buux dhaafiyay ee xannuunka u jiifa cisbitaalka guud ee magaalada Borama ay yihiin kuwa ay soo riteen xannuunada saaxiibka la ah abaarta.

Waxaanu yidhi.“Xannuunka Jadeecadu bishii 4-aad wuu yaraa, balse bishan 5-aad aad ayuu u batay, cusbitaalka guud ee magaalada Borama waxa buux dhaafiyay dadka ay soo riteen nafaqadarada, jadeecada iyo waliba shuban biyoodku waana bulshada gobolka Awdal.

Waxa jira qaxoonti ka yimid dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waana halkii markii u horraysay uu ka yimid shuban biyoodku, dadka ugu badan ee aanu dawayno ee shuban biyood ku dhacay waa dadka Qaxoontiga ah.

Bishi May horaanteedii 72 ayuu xannuunka Shuban biyoodku soo ritay 2 ka mida ayaa dhintay carruurtan, ilaa hadda inta dhimashada Shuban biyoodka aanu u haynaa waa saddex qof saddexda qofna waxa ay ahaayeen dadka qaxoontiga ah, wax kale oo u dhintayna ilaa hadda ma hayno, waana lala tacaalay oo la daweeyay, si isku mid ah ayaanu u dawaanayna muwaadiniinta iyo Qaxoontigaba, sariirihii iyo goobihii la dhigayay intaba waanu u haynaa,”

Gaba’gabadii waxa uu si weyn ugu mahad naqay bulshaweynta gobolka Awdal gudo iyo dibedba, sida ay markasta heganka ugu yihiin taageerada adeeg bixinta gobolka iyo degaanada hoos yimaada.

Waxaanu yidhi.“Waxaan halkan uga mahadcelinaya bulshaweynta gobolka Awdal oo qayb libaaxle ka qaata taageerada cusbitaalada gobolka, degmada Garbo’dadar cisbitaal ayay dhisteen.

Bulshadu waxa ay soo iibiyeen mushiin Oxygenta dhaliya, kaas oo ka weyn kii markii hore aanu haysanay waanay ku mahadsan yihiin, anaga ka wasaarad caafimaadna abaal weyn ayaanu idiinku hayna, dayrka cisbitaalka qof ayaa iska xil saaray dhismihiisa, waaxda kelyaha lagu sifeeyo bulshaweynta gobolka Awdal ayaa dhisatay”

 

 

Leave a Reply