Madax Dhaqameed Si Weyn Uga soo Hor Jeestay Mudaharaadka ay Mucaaradku Ku Baaqeen

0
399

Hargaysa (Dawan):- Madax dhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka beelaha Koonfurta Hargaysa ayaa ka hadlay mudaharaadkii ay dhawaan ku baaqeen xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland in ay ka dhigayaan caasimadda Hargaysa.

Xubnahani oo isugu jiray madax dhaqameed, waayeel, odayaal, iyo waxgaradka beelaha Koonfurta Hargaysa, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxay si weyn uga soo hor jeesteen mudaharaadyadda ay ku baaqayaan xisbiyadda mucaaradku.

Waxaanay u soo jeediyeen hogaanka xisbiyadda mucaaradka ah in ay ka waan-toobaan hadaladda ay da’yarta dugsiyadda ku jirta ugu baaqaan mudaharaadyo siyaasadaysan.

Madax dhaqameedkaasi iyo waxgaradkaasi ayaa Carrabka ku adkeeyay in aanay aqbali Karin wax kastoo wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida dalkan Somaliland gaar ahaana caasimadda Hargaysa.

Waxaanay xisbiyadda mucaaradka ah ku booriyeen in ay u hogaansamaan shuruucda iyo xeerarka dalka gaar ahaana kuwa arrimaha doorashooyinka, halka aya madaxweyne Biixi, ku tilmaameen inuu ku taagan yahay shuruucda dalka u degsan.

Caaqil Ibraahim Cismaan, oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani ugu baaqay in aanay Haadaan iska tuurin.

Waxaanu yidhi, “Anagu UCID iyo Waddani, waxaanu leenahay Haadaantii baad dhinac cararraysaan, anagu na idinku riixi maynee, idinkaa yidhi waan isku tuuraynaaye, ama dhaartiinii baa been noqon, ama isku tuurra Haadaanta”.

Sidoo kale Caaqil Gaashaan Ibraahim Axmed, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ku dhaliilay hogaanka xisbiyadda mucaaradka ah in ay carruurtoodii gaysteen wadamadda dibadda, halka carruurtii dalkana ay ugu baaqayaan in ay Rasaasta Laabta u dhigtaan.

“Waxaan leeyahay Cirro, carruurtiisii Finland buu gaystay. Faysal na, Finland buu gaystay, kuwayagiina wuxuu leeyahay Feedhaha xabadda u dhiga. Horta carruurtoodii ha keenaan, oo Feedhaha xabadda ha u dhigaan, markaas baa wax la iska waydiin doonaaye”ayuu yidhi caaqil Gaashaan Ibraahim Axmed.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Caaqil C/qaadir Jaamac Cawaale, oo ka mid ahaa madax dhaqameedka Koonfurta Hargaysa ee shirka jaraa’id qabtay, waxaanu yidhi “Nin kastoo amniga wax yeelayaa, anaga na wax buu na yeelayaa. Wadahadal baa lagu dhamaystaa hawlahaaga. Laakiin, Xabad baan ridayaa, oo carruurta ayaan ku kicinayaa, arrin noqon mayso.

Waxaan leeyahay C/raxmaan Cirro, ka noqo dagaalka iyo qaska iyo weerarka aad ku baaqday. Anaga na nagaga heli maysid wehel, adiga na afkaagu ba ma wanaagsa na, madaxweyne-na waan doonayaa, dagaal na waan ka dhex ridayaa? Labadaasi isma qabtaan, baanu leenahay”.

Geesta kale xubnihii shirkaasi jaraa’id ka hadlay oo isugu jiray madax dhaqameed, odayaal, waxgarad, iyo mujaahidiin waxaa ka mid ahaa Caaqil Ciise Cabdi Yuusuf, Caaqil Cabdi Jaamac Cawaale, iyo mujaahid Yuusuf Colaad Seed (Ma-laabato).

 

 

 

3 Columns

Leave a Reply